Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 18 October 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Bal Eeg Mucjisada Rabi Wax Ku Arsaaqo .. Shimbirka Tukaha Muxuu Marka Hore U Inkira ILmaha U Dhalay, Sideese Allaah U Risaaqa Agoonkaas Yar

Thursday - October 17, 2024




Sida daraasada lagu sameeyey Tukuhu waa mid ka mida Baalalayda ugu caqliga badan ee uu Alle abuuray, waxayna leeyihiin Laba jibaar maskaxda Baaleyda kale waana Xayawaankii Aadanaha Baray sida laysku Aaso oo hadaad u fiirsato dhab ahaantii wuxuu Shabahaa Aadanaha hab dhaqan ahaan.

Wuxuu Tukuhu leeyahay xeer ciqaabyo u gaar ah si ay ugu noolaadaan xasilooni waana xigmad rabaani ah .. Tukayaashu waxey isku guur-sadaan sida Aadanaha oo kale waxeyna iskugu yimaadaan munaasabad kulmisa Labada Ehel,waxeyse AadanĂ ha kaga duwan yihiin Tukaha Labka ah wuxuu guursadaa mid kaliya oo Dhedig ah, waligiina mid kale lama guursado.

Hadii xaaskiisu ka dhimato gadaasheed ma guursado, balse kaliya wuxuu ku noolaadaa xasuustii xaaskiisii hore .. Tukaha Labka ah waxa uu mar labaad guursadaa oo qura marka ay xaaskiisu dhali-weydo waa wax la yaab leh!!!

Mida kale ee la yaabka leh ShimbirkaTukaha midabkiisa waa Madoow, wuxuu dhala Ukun .. Ukuntaas Markey dhilaacdo waxa ka soo baxa ilmo yar oo leh midab Cadaan Ah, kana duwan kan waalidka, kadib Waalidki dhalay markay arkaan midabka Cad oo ilmaha ay leeyihiin wey ka cararaan waana inkiraan in iyagu dhaleen.

Dabacan Tukaha yar ee dhalaanka ah oo waalidkiis inkiray kana duulay wuxuu u baahan-yahay Risiq iyo Quudin, sidaa daraadeed awooda Rabi waxaa dhalaankaa markiiba u yimaada Nooc Dixiri ah oo afka ka gal-gala si uusan u gaajoon .. Subxaana-laah Dixirigaas wuxuu soo raaca uriya Caraf u Alle siiyey Tukaas Yar .. Muddo kadib Tukihi yaraa, waxaa u midabkiisi isu badalaa Madoow una ekaadaa midabki waalidkii, kadibna waalidki ayaa dib u soo xasuusta ilmihiisi u ka tagay ayaa ogaada in dhalaankoodi u yeeshay Midabki Madoowga, sidaa daraadeed dib ayey ugu soo noqdaan oo halki ka sii wadaan korimadiisa .. Subxaana Laah