Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 22 October 2024

Haddi Xaasid Kula Soo Dago Iyo Xeel Nin Ka Badiya .. Nasteexada Waraabaha "Mijin-Gaabow"

Monday - October 21, 2024




Maalin Maalmaha ka mida  Dawco xag sare ka soo degtay ayaa u timid Waraabe Halabsanaaya, waxay ku Tiri: Abowow dhagar iyo dhiig baan ka bixi la'ahay Ee ii bar sidaan Aduun-yadaan ugu nolaan-laha nolol xaraga leh  .. Waraabihi oo is cajabinaaya, ayaa yiri: Orod is maqiiq oo qarkaas iska tuur .. Dawacadi ayaa tiri Aboowe hadaan istuuro soo Lugaha ka jabi-maayo .. Waraabihi ayaa ugu jawaabay oo yiri: War damiin-yahow Dood ha igu crlin ee Bood anigaa gaar kaa haynaya oo ku qabanaaya ee soco waxba noqon-meyside

Dawacadi iydo qaadatay taladi Aboowaheed Qarki dheeraa ayey iska tuurtay, laakiin wax badbaadiyey oo qabtay ma jirin, sidaa daraadeed iyado naxsan oo fiigsan ayey Aboowa-heed Waraabe ku tiri: Allaa Muruqyadi iyo margiyadi baa ii go'ay, ee Aboowow maxaad ii qaban-weyday? .. Waraabe wuxuu ugu jawaabay oo yiri: Tani waa darsigi Kowaad ee la xariira inaadan qofna aaminin amase aadan isku haleyn, balse waxaa lagu saxayey majarihi kaa qaldamay .. Kkkkk