Sheeko Iyo Shaahid Inama Soo Marin .. Madaxweynaha Belaruska Mr. Lukashenko Oo Aqoonta Ka Habooday Baafinaaya In Itoobiya La Siiyo Bada Somaliya
Tuesday - October 29, 2024
Madaxweynaha dalka Belarus, Aleksandr Lukashenko ayaa sheegey in rabitaanka Itoibiya ee marin-badeed uu yimi waqtigii saxda ahaa, isaga oo "Doqomo" ku tilmaamay dalalka deriska aan taas fahmin.
"Deriskaagu ha ogaado hadda ama mar kale, dagaal ama wada-hadal, Itoobiya wey gaari Badda." Ayuu Madaxweynaha Belarus u sheegey Raysal wasaaraha Itoobiya, sida ay ku warramayso wakaaladda dowladda Belarus Ee BelTA.
Abiy ayaa dhiniciisa Xanuun ku tilmaamay Bad la'aanta haysata, wuxuuna u sheegey Madaxweynaha Belarus: "Waad ogtahay xanuun-kayaga, waxaad dareemeysaa xanuun-kayaga waa xanuunka Waddan aan lahayn Bad, oo waa in si siman oo caddaalad ah looga wada faaiideysto Badda, ma aha in aan dagaallano, ee waa in aan wadaagno kheyraadka Badaha."