Waa Maalin Jimce Ee ILaahay Ha Na Waafajiyo Kheyrka Iyo Barakada Ay Leedahay .. Qiiso Gaaban Oo Tixgalin Mudan
Friday - December 6, 2024
Nin Suudaani ah oo muslim ah ayaa wuxu daganaam dalka Maraykanka ninkan waxa la jaar ah islaan
cadaan ah oo yahuudiyad ah dabeeto ninkan markasta way caydaa waxay ku dhahdaa uma qalantid inaad dalkan ku noolaatid waxaad tahay adoon madow waxaad tahay argagixiso laakiin ninkani waa nin diin leh xataa hal kalmad umuu celin jirin islaanta markastana wuu iskaga dhaqaaqi jiray isagoon hadal oran,
Hadaba ninkii Suudaaniga ahaa oo shaqadiisa ka soo rawaxay ayaa arkay islantii/duqdii oo Tuug dileyso ninkii wuu ku soo cararay iyada oo koomo ku jirta ayuu dhakhtarka keenay markaas ayuu dul fadhiyay ilaa ay soo caafimaaday markay aragtay isaga oo dhakhtarka la jooga ayay bilawday caydii lakiin ninkii isaga oo qoslaya ayuu soo eegay .. dabeeto nin dhakhtar ah ayaa duqdii ku yiri hadaanu ninkani dhakhtarka ku keeni lahayn xaaladaadu halis bay noqon lahayd.
Hadaba waxa soo gashay bishii Ramadaan dabeeto waxa gurigii ninka muslinka ah soo gashay islaantii iyada oo qireysa kalmada Tawxiidka oo soo islaamtay kuna islaamtay akhlaaqda ninkan muslinka ah
Mudo ka Bacdi waxa dhimatay duqdii lakin gurigeedii iyo hantidii Baanka u taalay waxay ku qortay ninkaa Suudaaniga ah ee muslimka ah sababtiisana ay ku islaamtay