La Iskama Darooriye Adoon Daacad U Hadleyne .. Doqon Iyo Ninki Nacasa Baa Garane M/weyne Xasan Shiikh Oo Guul U Soo Hoyay Somaliya .. Heshiski Itobiya Iyo Somaliland Oo Far-Yare Bidix Ka Baxay
Thursday - December 12, 2024
Baaqa oo soo baxay saqdii dhexe ee xalay waxaa uu yimid ka dib kulamo gaar-gaar ah oo dhex maray madaxweynaha martida loo ahaa ee kulanka qaban qaabiyey Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay ahayd markii ugu horreysay ee ay kulan fool-ka-fool ah yeeshaan tan iyo markii khilafka uu soo dhex galay labada dal, horraantii sannadkan .. Shir jaraa'id oo seddexda mas'uul ay wada qabteen ayey ku muujiyeen yididiillo iyo inay doonayaan hore loo socdo.
Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya Da'uud Aweys oo isagu la socda wafdiga u hogaaminaayo madaxweyne xasan shiikh oo ka hadlayey wixii lagu heshiiyey ayaa yiri "labada dhinac waxay ku heshiiyeen, ayadoo lagu salaynayo war-murtiyeedka wadajirka ah, dhamaan arrimihii la isku hayey, sida heshiiskii khilaafka dhaliyey in meesha laga saaray, ayna yihiin taariikh tagtay, labada dalna ay u bilaabanayso is-qaddarin ku salaysan dhowrista qarannimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal".
Dhinaca kale, Heshiiskii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland Luqadda ay madaxdu isticmaaleen waxay ahayd luqad diblomaasiyadeed. Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya wuxuu carrabka ku dhuftay in "heshiiskii khilaafka dhaliyey meesha laga saaray", hasa ahaate Abiy Axmed dhankiisna wuxuu sheegay inay doonayaan marin badda ku xiraya oo ay ganacsigooda sii marsiistaan, soona marsiiyaan.
Dhinacyada Waxay ku heshiiyeen in ilaa bisha Febraayo ay bilaabaan arrimaha farsamada, lana soo gabagabeeyo oo la saxiixo 4 bilood gudahood.