Cabsida Waa Cadawga Ugu Weyn Ee Nafta .. Cabsida Waxay Qofka Ka Hor istagta In Uu Qaato Go'aan U Nafsadiisa Wax Wanaagsan Ugu Qaban-Karo
Sunday - December 15, 2024
Cabsidu waxa ay qofka ka indha saabtaa awoodihiisa iyo waxa uu qaban karo. Iyada oo qofka dareensiisa daciifnimo iyo itaal yari.
Cabsidu waxa ay qofka dhaafsiisaa fursado badan oo uu ka faa'ideysan karo, iyada oo qofka u sawirta hummaagyo (Negative) ah oo ay qofka fursadaahaasi uga hor-joogsanayso oo ay ku dhaafsiinayso.
Cabsidu waxa ay qofka ka hor istaagtaa in uu horay u socdo, horumarna uu sameeyo, isaga oo uu qofku ka cabsado waxa uu kala kulmi doono dadka ku hareeraysan.
Cabsidu waxa ay qofka ka hor istaagtaa in uu qaato go'aan uu nafsadiisa wax wanaagsan ugu qaban karo, ama uu caado xun isaga jaro, iyada oo tusta qofka in go'aankaasi noqon karo mid khaldan.
Cabsidu waxa ay qofka ka hor istaagtaa in uu isbedel la yimaado, uuna ka tago ama uu ka diga-rogto meesha uu maanta joogo iyo waxa uu samaynayo ee aysan nafsadiisa ku qanacsanayn.
Insha Allaah maqaalkaan kan xiga waxan idin kula wadaagi-doono hababka cabsida looga hor-tago, loogana adkaado.