Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 21 December 2024

Dawlada Fedaraalka Somaliya Oo Xaqiijisay Sida Ay Uga Go'an-tahay Soo Celinta Dadkeeda Ku Xayiran Dibada .. Dhalinyaradi Tahriibka U Badneyd Oo Maanta Dalka Dib Loogu Soo Celiyey

Wednesday - December 18, 2024






Muqdisho – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu soo celiyay dalka .. Muwaadiniintan ayaa laga soo celiyay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bini’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR).

Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ka soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u sii gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah.

Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya, agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika Danjire Yoonis Xaashi oo wakiil ka ah wasiirka arrimaha dibadda oo ay wehliyaan safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Aadan.

Sidoo kale waxaa munaasabadda soo dhaweynta muwaadiniintan qeyb ka ahaa ergeyga faarka ah ee socdaalka iyo qaxootiga ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Maryam Yaasiin, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku-xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima.

Danjire Yunis Xaashi oo ku hadlayay magaca wasiirka arrimaha dibadda ayaa yiri: "Dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa Midowga Yurub iyo IOM waxay xaqiijineysaa in muwaadiniinteenu ay si sharaf leh dalkooda ugu soo laabtaan iyo taageerada loo baahan yahay si dib loogu dhiso noloshooda”.

Duulimaadkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee VHR ee muddo laba bilood gudahood ah, taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee muhaajiriinta Soomaalida ah ee lasoo celiyay 844 ee mashruuca MPRR-SSA, oo ay maalgelisay Midowga Yurub, ayna maamusho IOM.

Soo-galootiga soo laabanaya waxay helayaan taageero deg-deg ah, oo ay ku jiraan deeqo lacageed, gargaar caafimaad iyo gaadiid, oo ay weheliso barnaamijyo shaqa abuur ah, si ay noloshooda u maareeyaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharafta iyo wanaagga dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadda.