Riwaayadaha Siyaasadeed Ee La Isu Alifaayo .. Wasiirki Batroolka Oo Shaaciyey In Sababta Xilka Looga Qaaday Ay Tahay Mid La Xariirta Khilaaffa Hirshabeele
Sunday - December 22, 2024
Muqdisho – Wasiirkii Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo maanta xilkii laga qaaday ayaa faahfaahin ka bixiyey arrimo uu sheegay inay sababeen xil-ka qaadistiisa, kuwaas oo dhamaantood salka ku haya masiirka HirShabeelle iyo qadiyadda Hiiraan.
Wasiir hore Cabdirisaaq Cumar ayaa sababta xilka looga qaaday ku soo koobay kala aragti duwanaasho soo kala dhex gashay isaga iyo Xasan Sheekh, taasi oo ku saabsan tabashada reer Hiiraan, gaar ahaan beeshiisa Xawaadle ay ka qabaan awood qeybsiga maamulka HirShabeelle.
Cabdirisaaq iyo Xasan Sheekh ayaa muddo dheer soo ahaa saaxiibo siyaasadeed oo aad isugu dhow, sidoo kale waxaa la sheegay in Cabdirisaaq uu Abti dhow u yahay Xasan Sheekh, markii ay maanta dhacday xilka qaadistaan, waxaa soo yeeray war sheegaya inay isku qabteen lacago si hordhac ah looga helay saxiixa heshiisyadii Shidaalka, balse cadeyn raami ah looma hayo.
Qoraalka Wasiir Cabdirisaaq oo faahfaahintiisu aysan dhaafsaneyn kala aragti duwanaasho soo kala dhex-gashay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid lagu jiheynayo aragtida iyo fahanka arrinkaan ee dadweynaha.