Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 26 December 2024

Cilmi Weeye Dunidu Ee Cashar Ka Baro .. Bal Eeg Shimbir Cashar Lacag La'aan Ah Noo Dhigtay

Tuesday - December 24, 2024





Shimbirtu, iyada oo Buulkeedi dhisayaysa, oo meel wacan marinaysa, ayaa dabayl weyni Soo dhacdaa. Waxa ay ka qaaddaa kala bar Buulki, haddana Afka iyada oo caleen yar ku siddata ayay soo noqotaa, laakiin meeshiiba waxaa ka sii taaggan wax-yar oo Buulki ka haray

Shimbirki ma niyad-jabto ee intaa yar ay sidato ayey wax ku sii dhistaa, oo haddana iyado aan quusan dib u noqotaa .. Halkaas bay ka sii waddaa; ilaa ay ka dhamaystireyso cufkii-Buulka, weyna dhammaystirtaa.
Waxa ay ka dhigtaa Hoy yar ee quruxda, qiimaha iyo qaayaha leh, ee aynu aragnay.

Haddaba, waxa ay shimbirtu inna baraneysaa in aynu taagnaano oo Cagaha dhulka ku hayno, si kasta oo waayaha iyo waqtigu innoo darbeeyaan.

Wax kasta oo kaa xumaada. Si kasta oo wax aannad filanayn foodda kuu daro, waa in aannad u dhaqaaqin. Waa in aannu jilbaha kuu ridin .. ma Shimbirtaa ayaa ka liidataa? Waa Maya!
Ogow, wax-yaabaha dabeecigga ah, waxa ku duuggan casharro. Bal hadda eeg uun shimbirtu casharka lacag la'aanta ah ee ay inoo dhigtay!