Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 10 January 2025

Waa Maalin Jimce Ee ILaahay Ha Na Waafajiyo Kheyrka Iyo Barakada Ay Leedahay .. Rasuulkeeni Maxamed SCW Muxuu Ka Yiri Xad-gudubka Iyo Dhiiga La Daadiyo

Thursday - December 26, 2024




Rasuulkeeni Maxamed wuxuu yiri "Dadoow dhiigiina iyo in mid-kiina midka kale xoolihiisa ku xad-gudbo xaaraan ayuu idin ka yahay ilaa Alle aad kala kulmeeysaan, Sidoo kale Waxaa Aalle Quraan-kiisa uu ku sheegay in Qof muslim ah oo si gardaro dhiigiisa loo daadiyo ay kala qiimo badan tahay adduunka oo dhan ayuu yiri Rasuulka

Nabigeena Maxamed Scw wuxuu kalo ka dardaarmay in Aargudashada ay tahay wax aan fiicneen, isla markaa Nabi Maxamed SCW ayaa 1,400 oo sano ka hor wuxuu ka hadlay xuquuqda dumarka oo yiri
"War Ragoow dumarkiina Xaq ayey idin ku leeyihiin, idinkuna xaq ayaad iyaga ku leedihiin Ee U naxariista, wanaagiina tusa, xumaan-tiina ha tusina, u ilaaliya sida quraarad ama dhalo oo kale..."

Nabigeena Maxamed wuxuu leeyahay "Kiina idin ku cabsi badan ayaa Alle aktiisa ugu karaamo badan, qof Carab ah kama fadli badna qof ajnabi ah, qof ajnabi ahna kama fadli-badna qof carab ah"

Akhristow, Maantana waxaan aragnaa Wadan-keena Soomaaliya in qabiilo qaar la liido iyo qaar tiro badni lagu caburinaayo taas oo diinta islaamka aysan ina farin, Rasuulka wuxuu yiri "Dadoow qof Marti ah si wanaagsan ula dhaqma xitaa haddii ay yihiin cadow ama qof aan heysan diinta islaamka..."

Allaha inaga dhigo Kuwa qaata Hadalka Rasuulka SCW Aamin, Aamiin yaa Allah