Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 January 2025

Somalida Sida Ay U Dhaqmaan Waxay U Egtahay In Diinta Ay Ku Andacoodaan Ee Islaamka Ay Tahay Afka Baarkiis .. Oo Haddi ILaah La Caayo Cid Juq Oraneysa Ma Jirto .. Laakin Haddi La Soo Hadal Qaado Ree..

Monday - December 30, 2024




Markaad Eegto somalida sida ay u dhaqmaan, waxay u egtahay in diinta ay ku andacoodaan ee islaamka ay been tahay iyo afka baarkiisa oo gebi ahaana ay debedda kajoogaan marka aad arkayso ficiladda ay ku kacaan ..  Tusaale ahaan haddi la caayo Ilaahay iyo Rasuulkii Maxamed ahaa (CSA) cid juuq odhanaysaa ma jirto, haddise la soo hadal qaado Reerka aad tahay, waxa hubaal ah dagaal faraha ka isula tagaa halkaa ka dhacaayo, una badan tahay dhimasho iyo dhaawac yimaado, weli la amaano kii markii illaahay la caayey xanaaq daayoo u damqan waayey illaahii abuurey, ee reer-koodda markii wax laga sheegay dilka geystay, sidaas awgeed waxa cadaan ah:-

(1) in ay reer hebel caabudaan ee Rabbi aanay caabudin, maadaama ay kala weyntay reer-koodu.
(2) In salaadda ay tukanayaan aanay wax-ba ka jirin, ee foodda ay dhulka dhiga-yaan ka kac tahay, sababta oo ah kuma sakaysna siddii eebbe ku sheegay ' Kitaab-kiisa"
(3) In aad si qayrul-sharci ah u disho qof Muslim ah laguuma banayn, waanad arkaysaan sidda wax u dhacayaan.
(4) Laguuma banayn in aad dhacdo maal, dhul iyo xoolo nin kale leeyahay, xataa gaalka laguuma fasaxin in aad ku samayso.
(5) in la iska ilaaliyo Maalka agoonta, amaanadda, munaafaqadda, gar-daradda iyo wixii la mid ah.

Akhristaw lama soo koobi karo arimaha diinta ka baxsan ee aynu ku dhaqano ee sidda tooska ah uga soo hor jeedda diinta Islaamka. Hadaba marka aad eegto waxa ka socdda, sool, Sanaag, Qoru-Lugud,Gal-Mudug, Puntland, Kismasyo iyo meello kalloo badan, dhamaan waxay ka soo hor jeedaan sidda ay ina fartay diinta Iskaamku. 

Waxan ku soo koobay, inta wixii diintu ina fartay ay inagala weyntay reer hebel, diin ma haysanee, cadaabta u wadda diyaar garooba, jano aad gashasna haw fadhiyini, inta aad khaladka uu reer-kiinu galayo uu sax yahay, khaladka reerka kale-na uu kula xun yahay, cadaaladi jirin ee aad sax iyo khalad-ba ugu sacab garaacayso ka ku xiga, ka reerka kale ahna iyo reer-kiisaba aad neceb tahay, u diyaar-garooba in aad ehelu-naar tihiin sidaad u dhan tihiin.