Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 15 January 2025

Adeerow Ka Joog Kuma Hakado Awrka Qooqane .. Sacad Iyo Leelkase Oo Markale Isku Dhacay

Wednesday - January 15, 2025





Warar maanta naga soo gaaray dhinaca iyo Mudug, waxay sheegayaan in niman hubeysan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Sacad oo dilaal-nimo iyo damac wado ay saakadi hore soo qaadeen duulaan isa soo maqiiq ah oo ay ku dooneen iney ku qabsadaan dhulka Meygaag iyo Jicboor, isla markaana irida laga soo galo degaanka ay Ood ka saaraan beesha Leelkase, hasa-yeeshe waa sida la yiriye kooxahaas Alifka ayaa loo taagay waxaana ka hor-yimi dab iyo holac wax leefaya   .. tirada soo duushay waxaa lagu qiyaasay 300 har-jadaaya oo intooda badan tashiga odayaashooda aan waxba ka maqlin .. Beesha Sacad in badan oo iyaga ka mida ayaa dagaalkaas ka soo horjeeda, laakiin maxay kugu taala Baruur keliya baa Baruuro Qurmisa .. Gardiid Waa Alle Diid

Sida la sheegay duulaankaas basar-xumada ahaa lama mahadin oo halkaas khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ayaa soo gaaray dhinici soo duulay, sidaaso kale dhinaca Muqaawamada Leelkase oo iyago difaac ku jiray waxaa ku dhaawacmay dhawr wiil.

Waa sida la xusaye, beesha Leelkase, waa niman isku kalsoon oo aan marnaba ka hakaneyn Rasaas iyo xabad dhaceysa, waayo waxay aaminsan-yihiin iney xaq ku dagaalamayaan oo waxay qabaan in Rabi Iyo Rasuul raali-nimadiisa ay ku filan-yahay .. Rabi Waa kan Og xaalka Quraanyo Madow Oo Habeen Madow Dhagax Madow Dushiisa Ku Socta