Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 21 January 2025

Oday Reer U Weyn Iyo Naag-Naag Ka Umulisay Midna Sida U Wax U Ogyahay Uma Sheego .. Puntland Iyo Galmudug Talo Waa Ku Cadaatay .. Go'aamo Fayris Ah Oo Laga Soo Saaray Colaadi Sacad Iyo Leelkase

Tuesday - January 21, 2025




Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo maanta Shir wadajir ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa soo saaray go’aanno ku saabsan xakamaynta colaad beeleedda ka aloosan galbeedka gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed Wadajir ah, oo ay soo saareen mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ayay ku go’aamiyeen qodoba ku saabsan xakamaynta colaadda labada beeleed ee ka taagan degaannada galbeedka gobolka Mudug, si looga hortago in aysan isku dhacyo danbe ka imaan labada dhinac.

Warsaxaafadeedka oo ka kooban 7 qodob ayaa lagu go’aamiyay in mileeshiyaadka labada Beelood ee dagaallamay la kala fogeeyo, islamarkaana la kala geeyo goobihii hore loogu asteeyey ee (Bandiiradley iyo Galdogob), sidoo kalena dib loo hawlgeliyo ciidamadii nabadgelyada ee labada dowladood, kuwaasi oo u xilsaaran hubinta nabadda aagga ka caagan maleeshiyo beeleedka oo ah inta u dhexeysa Galdogob iyo Bandiiradley.

Warsaxaafadeedka Puntland iyo Galmudug ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in guddiga farsamadu ay dedejiyaan qabashada guddiga xeerbeegtida iyo culimada ee ka garnaqa khilaafka labada beelood siwaafaqsan heshiiskii labada beelood ee 02/10/2024, iyadoo oo lala tashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac.

Puntlamd iyo Galmudug waxay sidoo kale isla garteen in guddi gaar ah loo saaro falkii weerarka ahaa ee 18/01/2025 maleeshiyada ka soo jeedda Galdogob ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo si go’aan ku habboon looga gaaro muddo 48 saac gudahood ah, sidoo kalena la tixgeliyo lana ilaaliyo dhammaan go’aamadii iyo heshiisyadii hore looga gaaray khilaafka labada beelood ee Leelkase iyo sacad lana fuliyo wixii hore loogu heshiiyey.