Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 23 January 2025

Waa Maalin Jimce ILaahay Ha Na Waafajiyo Kheyrkeeda Iyo Barakada Ay Leedahay .. Daacadu Ma iilato .. Sifaadka Oorida Wacan Ee Muslimka Ah

Thursday - January 23, 2025



1) Gabadha Musllimka ah, waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had iyo jeer adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah oo haddana lagu-yaqaan inay tahay tii xafidda maalka ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan yahay.

 2-Waa midda uu farxo ninkeedu haddii uu fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.

3-Waa midda had iyo jeer ku-salaanta ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn, oo waa had iyo jeer Alle uga mahad-celisa ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka u shaqaynayey,isla markaasna uu yahay carruurteeda kii dhalay .. Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda, waa tii doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.

4- Ma aha mid ninkeeda ku qaylisa marka ay wada hadlayaan .. waa iney ninkeeda ku waanisaa xiriirka waalidka, walaalihiis iyo Riximkiisa iyo saaxiibadiis

5-Waa tan runta dhar kadhigata, kana fogaata beenta iyo ehelkeeda .. Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa,

6-Waa mid aan caro badnayn, haddana aan aqoon laab- lakaca, waxayna aad uga fogaata Kibirka, is-cajabinta iyo isla weeynanka.

7-Waatan aan ku jeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda .. Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay, isla markaana waa midda had iyo jeer Rabbigeed talo saarata, haddii wax ka xumaadaana aan quusan.

8-Waa midda ka xusta rabbigeed(carrabka iyo qalbigaba), had iyo jeerna aan iloobin, isla markaana
had iyo jeer sheegsheegin wixii ay Ilaahay dartiis u qabatay oo wanaag ah.

9- Waa midda aan ku kallifin ninkeeda wax uusan awoodi Karin oo adduun ah, mana aha mid hub ka dhigata, quruxdeeda, yaraanteeda ama maalkeeda ..  Waa midda aan ka dalbin furriin joogta ah ninkeeda, sabab la’aan.

10- Waa tii had iyo jeer ka shukri-naqda wax walba oo ay hesho, haba ahaadeen wax yar, waxay kaloo caan ku tahay, ma aha tii fidisa sirta ninkeeda iyo gurigeeda.