Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 27 January 2025

Hadba-Haad Kici Oo Haweeya Timi .. Trumow Runta Ku Dhaqan Adoo Taariikh-daada Og Weligaa Cidla Iyo Meel Aan Loo Jeedin Baa Ka Booteysa .. Gaza Raba Gargaaraya Oo Ma Jirto Cid Meel Loo Raraayo

Sunday - January 26, 2025






Washington  – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii soo bandhigay qorshe uu ku tilmaamay mid "lagu nadiifinayo Gaza" isagoo sheegay inuu doonayo in Masar iyo Urdun ay qaataan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool deegaankaas, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe.

Trump, oo Gaza ku sifeeyay "goob burbur xooggan uu ka muuqdo" kaddib dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamas, ayaa shaaca ka qaaday inuu arrintan kala hadlay Boqorka Urdun, Cabdalla II, isla markaana uu rajeynayo inuu Axadda maanta ah la xiriiro Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi.

"Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaadato dadka. Sidoo kale waxaan jeclaan lahaa in Urdun ay dadka qaadato," ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isagoo la socday diyaaradda Air Force One.

“Waxaan ka hadlaynaa qiyaastii hal milyan iyo bar qof, waxaan dooneynaa inaan gebi ahaanba meeshaas ka sifeyno khilaafaadka. Waad ogtihiin qarniya badan waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo isdaba joog ah. Marka waxaan qabaa in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Inta badan 2.4 milyan oo qof ee ku nool Gaza ayaa ku barakacay, marar badan, dagaalka oo ka dhashay weerarkii Xamas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October, 2023-kii.

Trump waxa uu sheegay in dadka reer Gaza dib u dejin loo sameyn karo si ku-meel-gaar ah ama mid waqti dheer ah.”


“Xilligan la joogo, waa goob gebi ahaanba burbursan, dhismayaashii way dumeen, dadkuna way ku dhimanayaan,” ayuu yiri. “Marka, waxaan doorbidayaa inaan arrintan kala kaashado qaar ka mid ah dalalka Carabta, isla markaana aan guryo uga dhisno meel kale oo ay nabad gelyo ugu noolaan karaan, si isbeddel loo helo."