Haddi Ibaha Naasaha La Jaro Waa Af Kala-qaad .. Hogaamiyaashi Daacish Cabduqaadir Muumin Iyo Cabdiraxmaan Faahiye Kuwaaso Oo Bila Faataxo iiLka La Dhigay
Monday - Feb 3, 2025
Bosaaso- Garoowe- ILo wareedyo amni oo hordhac ah ayaa sheegaya in duqeymihii habeen ka hor ka dhacay buuraha Cal-miskaad lagu beegsaday god dhulka hoostiisa ah, oo la rumaysan yahay in ay ku dhuumanayeen hoggaamiyaha Daacish ee la kala yiraahdo Cabdiqaadir Muumin iyo saraakiil kale oo ka tirsan kooxdaasi.
Duqeymaha oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo markaas ka soo kicitimay Xeebta Jabuuti, ayaa sida wararku sheegayaan lagu garaacay Godad ku yaalla dhulka hoostiisa, oo uu ku jiro God-weyn oo la aaminsan yahay in ay gabaad ka dhiganayeen Cabdiqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Faahiye oo labaduba ka soo jeeda degaannada Puntland.
Inkastoo dowladda Mareykanka aysan weli shaacin magacyada shakhsiyaadka lagu beegsaday duqeymihii dhacay, islamarkaana aysan warbixin rasmi ah ka soo saarin qiimeynta khasaarihii ka dhashay, haddana ilo wareedyo amni ayaa rumaysan in ugu yaraan Faahiye iyo Muumin midkood ku dhintay duqeymaha.
Saraakiil sare oo ka tirsan Puntland oo a arrintani wax laga weydiiyey ayaa sidoo kale ka gaabsaday in ay ka hor-dhacaan warbixinta rasmiga ah ee ka soo bixi doonta ciddii duqeymaha fulisay oo ah dowladda Mareykanka.