Hambalyo Bisha Ramadaan .. Waa Bishi Kheyrka Iyo Barwaaqada .. Waa Bishi ibliisku Rafan jiray Oo Xabsiga Lagu Canyuuqi Jiray .. Eebow Sharka Naga Xijaab Oo Na Raaci Asxaabti Janada Tagtay
Thursday - Feb 27, 2025
Waxaan Bisin Lahayni Barako Ma Leh .. Dhammaan Umada Muslimiiinta meel-kasta oo ay ku sugan-yihiin, waxaan leeyahay Ramadaan kariim .. Mar kale Waxaan Bogan Galdogob Times idiinku soo gudbinayaa hambalyada Ramadaanka kaas oo ah fursada cimriga, waxaa Alle noo sharciyeeyey inaan Soono bishaan barakeysan isagoo na faray in ay tahay kororsimo Taqwa iyo Alle ka cabsi iyo Aadaabta oo la toosiyo .. Soonka ma aha inaan Gaajoono ama Haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u haystaan
Bishan Ramadaan madaaama ay tahay bil Eebe barakeeyey oo kheyr iyo barwaaqo Rakibeysa ayaa mudan inaan soo dhaweyno oo dhahno waa raaxo iyo guul, waa in Haraadka iyo Gaajo ruugaha u laabano iyado isla markaa wixii Eebe naga reebay raali ku noqono .. Waa bil Rasuulku na faraayo in farxad, kheyrka iyo barwaaqo la raadiyo .. Waxaa Soonka laga helaya caafimaad Rabaani ah oo nafsada galeysa .. Bishaan Ramadaan raali-galinta Eeba ayaa ku xiran, lana soco Quud aad miskiin siisay baa kuu ah Ajar iyo Rasamaal meel ku yaala, sido kale rixinka oo aad xiriiriso iyo runto lagu nagaado, hadalka wanaagsan iyo raali-galin xurmada Waalid ogow intaba waa darajo raasamaal .. Akhristow Adoon inaad tahay Ogoow Ee Quraanka had iyo jeer rafiiq la noqo si aad u hesho nolol Raaxo nafsaani leh .. Allahayow wax badan baan gafnay Ee Adigu ha na goynin oo kobta ay saxaabada maanta joogaan aan ku mushaaxne iyo Miraha Janada Jaad-ba jaadka ah. Aamiin Aamiin.