Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 3 March 2025

Miraha Laga dheefo Rumeynta Qadarka Alle .. Waa Qiso Ku Saabsan "Ku Qabatay Iyo Qadar Alle Waa La Qaataa"

Sunday - March 2, 2025





Zaman hoore, Habeen habeenada ka mida waxaa riyooday Boqor ka mida boqoradi hore ee Reer faaris-iiraan .. Boqorkaas habeenkaas wuxuu ku riyooday boqor-tooyadiisi oo gubaneysa oo hadana u qabsaday nin Malaay-dabato ah, kadib boqorki wuxuu isugu yeeray Odayaal had iyo jeer boqorka xidigaha guur-guuraya uga faaliya .. Boqorki ayaa yiri, waxaan ku riyooday Riyo argagax leh oo waxaan raba in la ii fasiiro, laakiin marka hore ayuu yiri waa inaad sheegtaan waxa aan ku riyooday .. Nimanki faaliyaasha ahaa waxay yiraahdeen: Raggu iskuma jiraane ee waa la kala sareeya, anagu heerkaas ma aanu gaarin, balse arinkaas waxaa ka jawaabi kara nin Yaman jooga oo la yiraahdo " Sadiix"

Waqtigaas Yaman waxay hoos iimaaneysay xukunka boqortooyada Faaris .. Boqorki ayaa amray in ninkaas deg-deg loogu keeno .. Ninki waa la keenay, kadib boqorki ayaa yiri Sadiixow intaadan riyada ii fasirin bal marka hore sheeg waxaan ku riyooday .. Faaliye Sadiix ayaa yiri: waxaad ku riyootay Daartaada oo gubaneysa iyo wiil bada ka kaluumeysta kaas oo xukunka kaa la wareegay .. Boqorki ayaa yiri: waa Runta ee marka ii fasiir Riyada .. Faaliye Sadiix ayaa yiri: Riyadu waa gudcur madow oo qalwada mas baa galay, waxaana faalka u baxay dabar go' ku dhacay boqor-tooyadaada ugu dambeysna waa biyo kama dhibcaan in wiil xalay dhashay ayaa boqortooyada taajkeeda saaran.

Boqorki oo ciil yuurara isu badalay, ayaa isla markiiba amar bixiyey in la soo helo wiilka xalay dhashay.. wiilki oo la soo helay ayaa aabihiis lagu yiri Wiil-kaaga boqorka ayaa raba ee waxaad rabto lacag ama dahab sheego .. Odaygi oo xushmeynaya sharafka boqorka wuxuu ogolaaday in wiilka u qaato .. Boqorki amar ayuu siiyey wasiirkiisi kowaad oo ku yiri: Wiilkaan qaad oo qarka bada saaran ka tuur, laakiin wasiirki wuxuu yiri: Boqorow Qdar Alle lama celin karo ee wiilka iska daah .. Boqorki oo miciyo abeeso la soo baxay, indho kulul ku eegay xeer qabta aan jirin ayaa yiri: Wasiir Digtoonow, daran-doori taagnow, Stubid, nacasa ayaa tahay, ee ii arag anigaa qaadaya oo gabigiisba qarka ka tuuraya oo Qadarka aad sheegeysana waan ka hortagaaya .. wasiirki wuxuu yiri: adigale-waaye, waxaanse ku leeyahay ogow Qadar lama celin-karo oo waa inaan rumeynaa

Wiilki yaraa marki qarka Bada saaran laga tuuray, nasiib wanaag wuxuu ku dhex dhacay Shabaag bada dhex tiil oo u dhigtay nin Malaay-dabta ah, isla markkiba ninki oo la kulmay wiilka meesha ku soo dhacay, waa u soo qaatay, oo xaasikiisa u keenay .. wiilki wey korsadeen oo noqday nin qaan-gaara

Kadib boqorki waa dambe waxaa faaliyaashiisi u sheegeen in wiilki la tuuray u nool-yahay oo reero korsadeen .. Boqorki ayaa yiri: Wiilka u dhiiba warqad hana u geeyo Amiirka jooga magaalada Asfahaan .. warqada waxaa ku qorneyd " Amiir wiilka warqada ku wada su'aal la'aan qorta ka goy" .. wiilka oo faras la soo siiyey warqadi lagu dili-lahaa xambaarsan ayaa goor qorax dhac ah ku nastay daar weyn xayndaabkeed, dabadeed halki isagoo jiifa ayaa daarta korkeeda waxaa ka aragtay gabar oo is weydiisay waxa wiilkaan xiligaan seexiyey darbiga .. faduul darteed gabadhi ayaa u timi oo tiri, maxaad halkaan u seexatay, wuxuu yiri Boqorka ayaa amiirka warqad igu soo dhiibay, oo waxaan raba waaga marku beryo amiirka inaan warqada u geeyo.

Gabadhi oo yaaban ayaa tiri: War bal gudaha Qasriga soo gal oo ku naso .. gabadhi ayaa haddana tiri warqada lagu soo qoray ma akhrin-kara, wuxuu yiri maya, maya waa amaano waa khiyaamo qaran haddaan ku tuso .. gabadha oo ahayed gabar u dhalay Boqorka warqada wiilka u soo dhiibay oo meesha u joogta ayey ahayed, dabadeed wiilki intey wax cabsiisay ayuu hurdo balaq la yiri , kadib warqadi ayey furtay, weyna yaabtay dilka-wanjalida warqada ku qoran iyo niyad samida wiilka .. haddaba warqadi ayey inta ereyadi ka badashay ku qortay: Amiir Wiilkaan warqada ku wada su'aal la'aan gabadheyda u guuri .. ugu dambeys wiilki gabadhi waa loo guuriyey, dabadeed waa dambe boqorki ayaa magaalada safar kormeer ku yimid, markaas ayaa loo sheegay in gabadhiisi loo guuriyey oo ay hadda uur leedahay .. Boqorki ayaa yiri oo yaa amray in gabadheyda amar la'aan la guursado .. Amiirki magaalada ayaa warqad soo saaray oo yiri waa kan qoraalki amarkaagi .. Boqorki oo arinta dib u baaray ayaa ogaaday in gabadhiisa ay warqadi u soo dhiibay wax ka badashay, wuxuna halki dhafor xogasho iyo Gar la rifaa wala-sham ku iimaansaday deeqda Eebaha iyo in Qadarka Alle Aan La Celin-karin .. Boqorka ilmo ma dhalin sidaa daraadeed Wiilki gabadhiisa qabay ayaa kursigi boqor-tooyada lagu fariisiyey.