Ramadaan Kariim ..Taxanaha Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Abuuristi Nabi Aadam Oo AhaaThe First Man On Earth .. Iyo Ibliiski Xujoobay
Tuesday - March 4, 2025
ILaah Subxaana Wa Tacaala, Marku horay u abuuray wax-yaabo kale oo badan intaan binii’adanka la abuurin Waxaa ka mid ahaa wax-yaabahaas maalmaha kala duwan .. Ciida oo la abuuray maalin Sabti ah .. Geedaha oo la abuuray maalin isniin ah .. Buurah oo la abuuray maalin Axad ah .. Cudurada oo la abuuray maalin Talaado ah .. Nuurka oo la bauuray maalin Arbaca ah iyo Khamiis oo la abuuray wax-yaabaha kheyraadka ah .. Intaas kadib Ilaahey waxuu abuuray nabi Aadam CS maalin Jimca ah salaat Casar .. kadib Allaah Subxaana Watacaala Malakul jibriil ayuu samada ka soo diray kuna yiri dhulka iiga keen Caro si nabi Aadam loo sameeyo. Jibriil sidii ayuu sameeyey Illaah nabi Adam ayuu abuuray waxuuna ku dhax abuuray janada, waxaana laga abuuray ama laga sameeyey nabi Aadam ciid ama caro medebkeedu kala duwan yahay
Nabi Adam, Afartan habeen ayuu dhoobo ahaa, markii la sameeyay kadib, Afartan cisha kadib Naf ayaa ilaah ku afuufay nabi Aadam , waxayna ruuxdu ka gashey qaarka hore. Isla markii nafta la geliyey wuu hindhisay Ilaahne waa u duceeyey. Nabi Adam cunitaan ayuu ku bilaabay mirihii janada ku yiilay isaga oo qaarka danbe wali meyd ka ah .. Janada waxaa ku noolaan-jirey malaa’ikta iyo ibliis oo markaas qof wanaagsan ahaa. Ibliis nabi Aadam ka hor ayaa la abuuray janada ayuuna ku noolaan jirey. Intaas kadib markii nabi Aadam CS la abuur-dhameeyey, ilaah wuxuu amray malaa’iktii iyo ibliis in ay u sujuudaan nabi Aadam ..
Malaa’ktii wey u sujudeen nabdi Adam laakin ibliis wuu diiday in uu u sujuudo nabiga asago iska kibriyay iskala weynaaday amarka Eebe iyo nabi aadam .. Ibliis wuxuu yiri isaga oo is kibrinaya uma sujudayo wax ama qof laga sammeyey Carro maxaa yeeley ani waxaa la iga sammeeyey Naar ama holac, sidaa daraadeed Ibliis markii janada laga ceeriyey kuma harin intaas kamana quusan ee wuxuu isku deyey maalin kasta sidii uu nabi Aadam iyo Xaawo u was-waasin lahaa ugana saari lahaa janada
Aadam iyo Xaawo Geedkii ha cunina la yiri ayey Xaawo ku booday oo goosatay, kadibna wey cuntey madaama ibliis si fiican ugu sharaxay macaankiisa, Xaawo markey cuntey geedkii waxay ku khasabtey iney cunsiiso nabi Aadam , laakin wuu ka diidey in uu caasiyo illaah .. Xaawo waxay ku tiri nabi Aadam ima soo gashid ilaa aad soo cuntid geedka ee akteyda ka fogow. Nabi adam murugo ayuu dareemey markey Xaawo la hadli-diidey taasine waxey ku khasabtey in uu cuno geedkii ilaah ka xarrimey. Intaas kadib Xaawo iyo Adam waxey ogaadeen in ay caasiyeen ilaah .. Xaawo iyo Adam janada ayaa laga soo saarey maadama ay caasiyeen ilaahay .. illaah wuxuu ku yiri Xaawo iyo Adam u hoobta dhulka nolol ayaa idinku sugnaatey in muddo ah.
Xaawo iyo Adam waxaa laga soo kala tuuray Mako iyo india, Xaawo Maka-Jida halka nabi Aadam lagu tuuray india, meeshaas ayey isku waayeen , nabi Aadam Xaawo ayuu radiyey kadibne ilaah ayaa is haleeshiyey kadibna waxey aadeen Maka. Halkaas Adam iyo Xaawo nonol ayey ka bilaabeen iyo sidii ay ugu dhaqmi-lahayeen dhulka korkiisa .. Xaawo waxey dhashey afartan carruur oo mataano ah (40) waxeyna uureysatay (20) jeer. Waxaa kamid ahaa carruurta laba wiil oo la kale dhaho Qabil iyo Habil. Sharciga markaas jiray wax uu ahaa in uu nabi Aadam u guuriyo mataanka hore mataanta danbe, waxaa xaraan ka ahayd in ay labo mataana ah is guursadaan .. Qaabil wuxuu diidey in uu gursado gabadhii guur ugu aadaneyd wuxuuna yiri waxaa kaliya oon guusan mataanteyda laakiin gabadhaas xalaal uma aheyn. Meshaas waxaa ka dhashey caasinimo kale oo Qabil wuxuu ku caasiyey ilaah iyo aabihiis nabi Aadam CS .. Nabi Aadam wuxuu noolaa Kun Sano, kadibna marki alle oofsaday Malaaiigta ayaa dhaqday oo kafantay