Ku Taxnow Silsiladi Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Haweyney Sino Ku Talax Tagtay Kadibna Toobad-Doon La Harsan-weyday.. Nabi Muuse Oo Toobad-Doonkedi Iska Dhagooleeyey .. Jawaabti Waxyiga
Wednesday - March 5, 2025
Zaman Hore Iyo Maalin Maalmaha Ka Mida, Gabar Quruxley Reer Binu Israeil ah ayaa iyado gur-guuraneysa waxay u timid Nabi Muuse waxay ku tiri: Nabi Allow Waan danbaabay Ee inaan toobad keenan rabaa .. Wuxuu ku yiri maxaad samaysay, Waxay ku tiri: "Waan Sinaystay ILmihii Aan Dhalayna Waan Dilay" .. Nabi Muuse oo msqalkaas ka careysan wuxuu ku yiri: Gabar-yahay I dhaaf Oo iga hor tag weliba si caro Leh, dabadeedna iyada oo niyad jabsan murugeysan ayey iska huleeshay.
Gabadhi oo samri la' maalintii labaad ayey ku Soo Noqotay Nabi Muuse CS Iyada oo hadana Towbad keen u socota .. Isla sidii ayuu Nabigu ku yirii: Fadlan i dhaaf.
Xag Alle .. Waxa Kadib Soo Degay Wax-yigii Alle .. Waxa Rabi Oo Nabi Muuse La Hadlaya Yiri "Muusow Maxaad U Celinaysaa Gabadha Danbi Dhaafka U Socota Ee Towbad Keenaysa, Miyaad Ogtahay Cida ILaahay Agtiisa Ka Shar Badan Iyada?"
Nabi Muuse ayaa Yiri " ILaahayow Gabadha Sinaysatay Ee ilmaheedii Dishay Yaa Ka Shar Badan" Wuxuu Rabi ugu jawaabay waxa ka shar badan "Taariku Salaadka Ka Tagtaga Salaada isagoo Og Kaas Ayaa Gabdha Sinaysatay Ee ILmaheedi Dishay Ka Shar Badan "
Subxaan Allah Akhristow Walaal iska ilaali Salaada iyo waqtigeeda iney ka tagto