Ramadan Kariim .. Taxanaha Akhbaarti Faca Weyneyd .. Hantidi Barakeysaneyd Ee Saxaabi Cabdiraxman Binu Cowf .. Sidee Buu U Caawiyey Xaasaski Nabi Maxamed CSW?
Sunday - March 9, 2025
Saxaabi Cabdiraxman binu Cowf RC, wuxuu magaalada Madiina yimi isagoo aan wax hanti ah haysan, kadib Nebiga SCW ayaa la walaaleeyey nin la oran jiray Sacad Binu Rabiic oo saxaabi ansaari ahaa .. Sacad ayaa markaa ku yiri: "Cabdiraxmaanow, Ansaar anigaa ugu hanti badan ee hantideyda kala bar adigu qaado, sidoo kale waxaan qabaa Laba Dumar ah, midii aad doorato ayaan kuu furayaa ee guurso!"
Cabdiraxman Binu Cowf wuxuu ku jawaabay " Ilaahay ha kuu barakeeyo maal-kaaga iyo ehel-kaaga, ee suuqa oo keliya i tus" .. Halkii ayuu Cabdiraxmaan ka bilaabay ganacsi. Subag yar ayuu soo iibsaday lacag ayuu saartay oo sii iibiyey sidaas ayuu ku bilaabay ganacsi barakoobay.
Cabdiraxman, Isagoo aan waxba haysan ayuu magaalada maka ka soo hijrooday muddo bilooyin ah ayuu ganacsi ku sameystay, Guri iyo reerna ku yeeshay kadib markuu guursaday gabar reer Ansaar ah .. Hantida Cabdiraxman Binu Cowf muddo yar kadib waxaa lagu qiyaasay sida uu Shiikh ibnu Kathiir sheegay 3,200,000 oo Diinaar oo maanta u dhiganta 952 Malyan oo dollar.
Markuu Nebigu SCW geeriyooday, Cabdiraxmaan Binu Cowf wuxuu hanti u qeybiyey xaasaskii Nebiga SCW ee Sagaalka ahaa isagoo mid walba siiyey 8,000 oo Diinaar oo hadda u dhiganta 23 Malyan oo dollar.
Halkaas waxaan ka fahmeynaa in ganacsiga ka barako badan yahay shaqooyinka kale haddii uu qofku daacad u yahay shaqadiisa , sadaqadana ku daro