Ramadaan Kariim .. Qiso Xanuun Leh .. Sadex Kaama Haraan Ayaa La Yiri : Habaar Waalid .. Hansi Gabdheed .. Hadimo Xoolaad
Tuesday - March 11, 2025
Nin Baa Sheekeeyey Oo Wuxuu Yiri .. Aroor ayaa aniga oo xiisad darsi iskuul ka soo baxay, waxa aan galay Dukaan iskuulka u dhaw .. Wiil arday ahaa oo in muddo ah iskuulka ka maqnaa, ayaa markaas aan la kulmayna oo Go' huwan oo jirkiisa Dab sii bogsanayey ka muuqday.
Sidii wax ugu dhaceen iyo in uu gubtay markii uu ii sheegay, ayaa inta aan u duceeyey ka dhaqaaqay, laakiin intaana bixin waxuu uu igu yiri, waxani waa cuqubo aan galay!
Waxa uu yiri, habeen iid ah, ayaan qol-keyga guriga soo galay, waxa aan arkay gogoshaydii oo Bisad ku dul jiifto. dabadeed Intaan aan Jikada galay, ayaa aan middi dab shidnaa geliyey, markii ay Caddaatay ayaa aan bisaddii oo gama'san ku dhejiyey, dabadeed inta ay aad u ciday oo boodday ayey Siligii makhsinka ka baxday
Wuxuu yiri, Aroor-nimadii ayaa aan is-iri quraac samayso inta aan hurdada ku raagay, gurigiina keligay aan ku soo haray .. Shooladdii markii aan Leetarkii aan ku shidayey ku qabtay, ayey qarax dayaantay, holaci ka kacay waan gubtay dirqi iyo gurmad ayaa la igaga bad-baadiyey! dhimasho ayaan ku sigtay
Akhristow, Allaha Waa Caadil Xaakim Ah Waxa aan sheekadaan ku xasuustay, ninkan Bisada gubay sida uu Aakhiro iyo adduun-ba halis ugu jiro.
Waxaa La yiri: Saddex Kaama haraan
1- Habaar waalid
2- Hansi gabdheed
3-Hadimo xoolaad.
Xayawaanku calaf-koodayey ayay cunayaan, haddaad marka hore ilaashan
waydo, Samir ayaa kula gudboon.