Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Ramadaan Karim .. Dunida Waxaa ku Xeeran Rafaad Iyo Rayn-rayn .. Waa Wax Aan Suragal ahayen In Qof Helo Dhamaan Waxa U Rabay

Tuesday - March 11, 2025




Saaxiib, Dunida oo dhan ma jiro qof haysta wax walba, balse dunida waxaa ku xeeran Rafaad awgi mid waabaayo naf biday iyo mid Rayn-rayn malab nuugaya .. Dunida waxay qof waliba siisa marxalad iyo maqaam uu leeyahay kuna siiso habka ay duruuftiisa dhigto .. Qof baa leh Aabbe naxariis leh, midna wuxuu haystaa Wiil daacad ah, mid kalena qoys caafimaad qaba. Qof kastaa wuxuu helay wax, haddana wax kale baa ka maqan, waayo waxa aan ku nool nahay waa Aduunyo ee ma aha jannadi wax-kasta laga helaayey .. balse ogow hadaad is raacsisid aduunka oo matashid nolol aysan ku siin waxay ku geyneysa meel fog aadan ka soo laaban-karin oo aadan qaadi-karin 

Waa wax aan suurtagal ahayn in qof helo dhammaan waxa uu rabay, Sidaa darteed waad ku khasban-tahay inaad ku qanacdo waxa aad haysato hana eegin waxa dadka kale haystaan .. Ma ogtahay waxa ay lumiyeen ama dhibaatooyinka ay u mareen si ay u helaan nimcada Alle siiyay?!

Alle waa naxariis badan yahay, wuxuuna kuu qadaray waxa adiga kuu wanaagsan. Mid ogow saaxiib, Wax walba oo Alle kuu qoray waa kuu khayr haba ku xanuu-jiyaane.

Akhristow, Waa aniga oo ah Maxamed Calixaashi, oo mar-kasta igama dhamaan hambalyada xagiina Ee Ramadaan Kariim .. ILaahay Sida kheyrka qaba ha ina waafajiyo, isagana Mahad idilkeed Eebaha muteystay iyo maamuus-ba iska leh iyo Suubanaha Nabi Maxamed ee na soo gaarsiiyey farinta Rabi ee badbaadada iyo baraaraha ifka iyo tan aakhiraba ay ku jirto .. 
Teeda kale Akhristow, aqoonta ilaahiyada waa tan dadka kala hagta, ilaahna wuxuu na siiyey aqoon dadka looga saaro Yaw-nimada, isla markaana aan ku kala garano xumaanta iyo wanaaga dambiga iyo kheyrka, sidaa darteed  waxaan kugu waasteynaya inaad bisha Ramaadaan ku xirnaato oo ka faaiideyso druusta diineed ku anfaceysa eeTaxanaha ah iyo siraha nolosha ee dhex yaal ee ay ku soo gudbiso Galdogob Times inta lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaanka, taaso ah caafimaad ifka ah, aakhrana ka haya cadaabta