Ramadaan Kariim .. Xog Kooban Oo Ku Saabsan Hooyada Mu'mininta Khdija RC .. Nabiga CSW Waa Sheegay In Ay Tahay Dumarka Tan Ugu Kheyrka Badan
Monday - March 17, 2025
1- Khadiijo Bintu Khuwweylad Rc waa xaaskii koobaad ee Nebigeena Scw, waxana ay kamid tahay Lixda xaas ee Nebiga Scw ay reer Qureysh isla ahaayeen, waxana ay abtirsimeheeda iyo kan Nebigu Scw ku kulmaan awooweheed shanaad.
2- Waxa uu Nebigu Scw sheegay in ay tahay dumarka tan ugu khayrka badan kuwooda jannada galaya, waana ruuxii u horeeyey ee Nebiga Scw rummeeyey markii uu waxyigu ku soo degey.
3- Islaamka ka hor Sayidda Khadiija Rc waxa ay ahayd gabar sharaf iyo hanti leh, midaas oo ahayd ganacsata ay u shaqeeyaan ganacsatooyin tiro badani, waana halka ay iyada iyo Nebiga Scw isku barteen.
4- Khadiija waxaa la sheegaa in markii ay Nebiga Scw is guursadeen ay la noolayd muddo 25-sano ah.
5- Khadiija Rc waa hooyada Nebiga Scw caruurtiisa oo dhan markii laga reebo hall wiil.
6- Sayidda Khadiija Rc waxa ay la gaar ahayd dabeecado aad u wanaagsan oo ay kamid ahaayeen dulqaad, garasho, dhawrsanaan iyo xasilinta qalbiga khayr khalqi-laahi Nebigeena Muxamed Scw.
7. Sayidda Khadiija markii ay rummaysay Nebiga Scw waxa ay maalkeedii oo dhan u hibeysey Ilaahay iyo diinta Islaamka dartood, iyada oo ku taageertay Nebiga Scw xiliyadii ugu adkaa noloshiisa.
8. Sanadkii ay geeriyootay Sayidda khadiija Rc waxa uu ahaa sanadkii ugu murugada badnaa Nebiga Scw isaga oo sidoo kalena waayey adeerkiis, waxaana sanadkaasi loogu magac daray Sanadkii murugada .
9. Nebiga Scw waxa uu sheegay in Khadiija jacayl-kooda lagu arsaaqay, isaga oo cabbiraya jacaylka uu u qabey, mana uusan ilaawin intii uu ka danbeeyey oo dhan isaga oo u duceyn jirey Nebigu Scw sidoo kalena sadaqo u bixin jirey.
10. Waxaa laga soo wariyey Caaisha Rc in ay tiri "Weligay ugama aanan masayrin Nebiga Scw haweenkiisa kale sida aan uga masayray Khadiija, aniga oo aanan xitaa arag iyada."