Ku Taxnow Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Dacaayadi Hu-Haada Reer Bani Israaiil Ay Ku Nabeen Nabi Muuse Iyo Sida Xag Alle Looga Bari-yeelay
Tuesday - March 18, 2025
Sida laga xigtay Rasuul-keeni Maxamed SCW, Nebi Muuse wuxuu ahaa Nin xishood badan oo is- astura, laakiin qoomkiisi reer bani-israaiil oo markay qubeysanayaan iyago Qaawan qaarba qaar eegayaan aan kala xishoon, halka Nabi Muusana u xishood darti keligis meel gaara ku qubeysta, taa darteed Qoomki Reer bani israaiil waxay dacaayad ku fureen Nabi Muuse oo yiraahdeen: Muuse wuxuu Dharka isugu duuduubaya waa jirn-yahay oo cudurka Baraska ayuu qaba, teeda kalana wuxuu leeyahay Sheelo
Kadib Alle ayaa doonay in uu ka bari-yeelo waxa qoomkaas ay Muuse ka sheeg-sheegayaan, markaas ayuu maalin qubeyskiisi gaar ku noqday, deeto dharkiisii ayuu dhagax dulsaaray, ka dibna wuu mayrtay, markii uu dhammaystay ayuu soo aaday dharkiisii si uu u qaato, waa amar alle dhagixii ayaa la cararay Maradiisii, markaas ayuu Muuse isago Qaawan ushiisii ka dabaqaatay oo ay iskula meereysteen dadki reer bani israaiil, waxay arkeen isaga oo qaawan, markaas ayey yiraahdeen: Alla bal arka quruxda Alle Muuse u abuuray iyo sida Qoorihiisa u quruxsan-yihiin oo walee wax baasa ma qabo.
Nabi Muuse wuxuu Dhagaxi ka daba ordaba wuxuu ku garaacay Ushiisi, kadibna marku istaagay dhagaxi maradiisi ka qaatay oo xirtay .. Alle ayaa quraankiisa ku xusay: "Dadka Mu’miniinta ahow ha noqonina kuwii Muuse dhibay oo kale oo uu Alle ka bari-yeelay wixii ay ku sheegeen" .. Rasuulkeeni Maxamed SCW, wuxuu yiri: Xishoodka kuligi waa kheyr .. xishoodku iimaanka ayuu ka mid yahay.
Faaiidada qisadaan: 1- Qisadaan waxaa ku jira labo mucjiso oo ah: Dhagaxa la cararay Maryihii Muuse iyo saamaynta Ushu ku samaysay Dhagaxa iyo Dadka dhibtooda cidina ka nabadgali mayso Nabiyaashana Alle ha ka dhigee
Dadka diinta xambaarsan cadawga islaamku si gaara ah ayuu sumcada uga dilaa dadkana ugu dira, Hadaba waa in la digtoonaado dhalaaceynta culimada
Nabiyaashu iyagaa dadka ugu kaamilsan xagga abuuritaanka iyo xagga akhlaaqdaba; maxaa yeelay Alle wuxuu u xulay xambaaridda diintiisa kuwii dadka ugu fadliga iyo khayrka badnaa.
Tawraad iyo sharecooyinkii kale ee ka horreeyay Nabi Muxammad (Scw) uma suubana in lagu dhaqmo Zaman-kasta balse Diinta islaamka oo qur ah ayaa shaqaynaysa ilaa maalinta qiyaamaha.