Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 1 April 2025

Dhamadki Bisha Ramadan Oo Soo Gabagaboday Ee Farxad ku Ciida .. Eebow Kibir Danteena Ma Aha Oo Anago Sooman Ku Tukanay Kaa Tuugnay Somaliya Aad Salka U Dhigto .. ILaah Baa Miskiin Tiir Ka Fura

Saturday - March 29, 2025



Marka Hore Waxay Mahadi U Sugan-tahay Alihi Koonkaan Iska Leh .. Dhamaadki Bisha Ramadaan ayaa soo gaba-gabooday, Waxaana Ku Sagootinay Bishaan Barakeysan iyadoo War Iyo Warbixino Dareeno Kala Duwan Ay Dunida Maanta Gilgilayaan .. Si kasto Laysugu Dayo Qoraal Kooban Laguma Soo Koobi-karo Tibaaxida Xadiga Xasuuqa Haadka Loo Waray Gaza Iyo Dhiiga Qulqulaaya .. Gumaadka Gaza Ee Gantaalka Lagu idlaaday Iyo Weerarka Diyaaradaha Bilaa Darawalka Ee Caruurta lagu wada xasuuqay, taaso waxay geysteen baan la Gocaneynaa Waana La Miyir-gadoonay Ee Allaha Falastiin Xuriyada u hanqatay Ha Guuleeyo, Oo Cadawgeeda Fadqalalo iyo Fataatiir Ka Dhigo ..  Hoheey Shucuubti Islaamka Dunida Miyaan Hebel U Nooleyn, Koleyba Awliyada Qarsoon Falaarti Ducada Ay Cirka U Direen Fool Bey La Maqantahay .. Aaway Ku Aaway Adin Yaa Bilaal Oo Aamiinta Maqashii

Mudana-yaasha Akhrista-yaasha Mareegta Galdogob Times Ee Sharafta Mudan, Waxaan halkaan hawada idin soo marshay Hambalyo iyo Salaan gaara, oo ku aadan Munaasabadda Ciidul Fidriga, sido kale waxaan u diraya guud ahaan Ummadda Islaamka ah iyo gaar ahaan Shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan .. Dhamaanteen Alaha ha naga aqbalo Soonki iyo Salaadi, iyado aan Eebe waydiisaneyno Ummada Soomaliyeed nabad-qab iyo in ay gacmaha is qabsadaan 

Ugu Dambeysti, Rabiyow adigaan ku Dikrinay oo Dantayada Garanaaya .. Rabiyow Dambi Dhaafna Waan ka Rabnaa Dabac-sanaantaada .. Rabbi Sandkaan kiisa kalana Naxariis iyo Barwaaqo hanagu gaarsiyo .. Allaahu Akbar .. Allaahu Akbar .. Allaahu Akbar .. Laa iLaaha iLalaahu .. Alaahu Akbar Wa lilaahi-Xamdu.

Gunaanadka Salaama ka dheh iyo Maxamed Calixaashi " Ina Cadaawe" Oo mar kale idin Leh ku soo dhawaada hambalyada Ciidal Fidirka