Dadku Nabad Bey U Jidbeysan-yihiin .. Isbahaysiga Nabada Iyo Midnimada Leelkase Iyo Sacad Oo Ka Curatay Caalamka Dacaladiisa .. Baaq Nabadeed Oo Ku Socda Colaada Galbeedka Mudug
Friday - April 11, 2025
Waxaa meel-walba iyo dacalada caalamka isa soo taraaya baaqyada nabadeed ee loo diraayo beelaha walaalaha dariska ah Ee ku dagaalamaaya Galbeedka Mudug, gaara ahaan Beesha Sacad Iyo Leelkase .. Hadaba Baaqyadaas waxaa sii xoog leh damiir iyo garaad leh ugu soo biiray jaaliyadaha qurba joogtada ee ku sugan dunida .. Colaada oo run ahaanti si xoog leh u xanuujisay bulshada qurbaha ku nool,Waxaa halkaan iyo magaalada Ottawa Kanada lagu qabtay shir ay labada beelood looga arinsanaayo adkeynta nabadgalyada oo loogu googol-xaaraayey Baaq nabadeed oo halkaan ay ka soo saaraan labada beelood ee madasha ku shiray .. Shirka oo ay ka soo qayb galeen aqoon-yahano sare oo labada dhinac waxay soo saareen Baaqaan:
1-Waxaan ugu baqaynaa walaalaha ku dagaalamaya Galbeedka Mudug, waa Sacad iyo Leelkase in ay joojiyaan Colaada Keeb la yuururka si shuruud la’aan ah, isla markaana la joojiyo googoshi la dhigaba Taraqa lagu tuuraayo, Waxaan codsaneynaa in khilaafka jira lagu xaliyo wada-hadal, waxaana leenahay ha la Gar-naqsado oo yaan la isku beer laxaawsan Reer Hebel iyo Reer Hebel .. Leelkase Iyo Sacad waa soo kartay nin dan gaara leh wata iyo isku-dire, Fajac-Abuur, kala-dile iyo war xume .. War yaan qaraab-doon iyo inta micida adeegsata Reeryooga dumin
2- Waxaan sidoo kale ka codsananaynaa in hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, wax-garadka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada meel-kasta ay joogaan in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee dadka walaalaha ah .. Waana in shakhsiyaadka garta nabada diida la xakameeyo .. Waa in casri-jaahiligi iyo waqtigi saarka qabiil wixii jiray ee dadka kala gaaray la daadsho .. Horaa beenaale fitna-wale ah been Uu sheegay Boqnaha la isku jaray kadibna Dhuuni-raacyadi day-deyga ayaa ku dhararaqsaday kana faaiideystay.
3- Waxaanu ugu baaqayna mar kale wax-garadka beelaha odoyaasha labada dhinac in ay wax-kastaba u huraan joojinta Colaada iyo dagaalka. Waxaan ku dhiiri-galinaynaa labada dhinac-ba inay dhexda u xirtaan sidii lagu gaari lahaa nabad waarta oo u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya Galbeedka Mudug, Waxaase Soo hadal qaad mudan, Haddaan Nahay Qurba joogta labada beelood, waxaan ugu Baaqeyna beelahaas in ay Maal-gashadaan nabadgalyada iyo xasiloonida oo qiimaha qoryaha Zuuga lagu bixiyo horumarka iyo nabada sii jiilasha soo socda ee degaanka u noqdaan mid nabadeed.
4- Waxaan aad iyo aad ugu hambalyeyneyna dadyooga fikirkaan nala qaba oo aan la soo koobi-karin ..Ugu dambeyn Salaan Naga gudooma, iyo anago idin leh: ILaahay Boogiina Burcad Ha isu Mariyo .. Aamiin Aamiin