Baaris Kadib .. SSC-Khatumo Oo Sheegtay In Marxuum Faarax Bariis Ay Al-Shabaab Ku Dishay Laascaanood
Monday - April 21, 2025
Xeer Ilaaliyaha guud ee SSC-khaatumo Looyar Cabdillaahi Xirsi ayaa ka warbixiyay dilkii habeen hore magaalada Laascaanood loogu geystay khabiir amni, Faarax Caydiid Jaamac oo ku magac dheeraa (Bariis) kaasi oo ka tirsanaa Qunsuliyadda dowladda Itoobiya ee Garoowe.
Xeer Ilaaliye Cabdullaahi Xirsi oo faahfaahin ka bixiyay dilka marxuum Faarax Bariis ayaa xaqiijiyay in lagu dilay magaalada Laascaanood islamarkaana ay dileen dabley hubaysan oo aan weli gacanta lagu dhigin, kuwaasi oo sida uu sheegay lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin mileeshiyaadka argagixisada Al-shabaab.
Xeer Ilaaliyaha guud ee SSC-khaatumo Looyar Cabdillaahi Xirsi ayaaa caddeeyay in marxuum Faarax Bariis jirdil xooggan loo geystay ka hor inta aan dilkiisa loo adeegsan xabbad, waxaana uu tilmaamay in meydkiisa oo jirdil darani ka muuqdo lagu soo tuuray bannaanka Laascaanood.
Xeer Ilaaliye Cabdillaahi Xirsi wuxu intaasi raaciyay in marxuumka dhintay uu ka tirsanaa sirdoonka Itoobiya, islamarkaana dhawrkii sano ee u danbaysay ka shaqaynayay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, isagoo intaasi ku daray in ay si weyn u raadinayeen argagixisada Al-shabaab.