Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 14 May 2025

Adeerow Gacalow Ayaanteeda Ha Gaarto Oo Lugo Dhaqaale Aan Isku Taagno .. Baarlamaanka Puntland Oo Mushaar Kordhin Ku Darsaday Misaaniyada Dawlada Ee Sanadkaan-2025

Tuesday - May 13, 2025




Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, waxay si rasmi ah u kordhisteen mushahar-kooda oo markii hore ahaa $2,500 bishii, halka haatan ay ku darsadeen lacag dhan $1000, taasi oo mushaarka xildhibaannada ka dhigaysa $3,500 oo Dollar, sida ku cad shaxda mushaaraadka ee Miisaaniyadda 2025.

Xildhibaanadii hore ee Puntland ( 2019-2023) ayaa muda sannad ah ( 2024) qaadanayay lacag dhan kun dollar, lacagtaas ayaa sannadkan loogu daray Baarlamaanka joogga, si looga baajiyo mooshin mushahar kordhis ah oo ay dhawaanahan riixayeen.

Dhinaca kale, xildhibaannada qaarkood bilaabeen in ay guryo ka iibsadaan magaalada Nairobi, qaarkoodna caruurtooda ay qurbaha u rareen, taasi oo su’aal gelinaysa, sida ay uga warqabaan duruufaha shacabka ay matalaan oo xaalad dhaqaale xumo ku sugan.