Hitler Bodyguard Rochus Misch Oo Ahaa Ninki Cadeeyey In Hitler Is Dilay .. Naasigi Hitler Waxaa U Ahaa Qof Si Gaara U Ixtirama Dadka Jarmalka
Saturday - May 31, 2025
Mr. Rocheus Misch Wuxu ahaa ilaaliyaha " Bodyguard" gaarka ah ee Naasigii Hitler sanadkii 2013 wuxuuna ku dhintay caasimadda Jarmalka ee Berlin isagoo da’diisu gaartay 96-Sano .. Wargeyska Independent oo soo xiganayay Buug laga qoray markii uu noolaa ayaa daabcay in odaygan gaaray 96-jirka ilaaliyaha u ahaa Hitler u ahaa ninka cadeeyay inuu Hitler dhintay ka dib markii uu is dilay.
Waxaana uu sheegay in Hitler ka codsaday inuu maydkiis gubo .. Rocheus Mish wuxu intaasi ku daray in 30 April 1945 markii taliyaha ciidamadiisu u sheegay Hitler in ciidankii Casa ee Ruushka ay soo dhawaadeen in uu isla markiiba waa Hitler-e u galay gurigiisa oo hoosta ka soo xirtay.
Ninkaan Mr. Rocheus, waxa uu sheegay in markii ay ciidankii Casaa ee Ruushka soo galeen xarunta uu isagu furay qolkii Hitler ku jiray, waxaana aan arkay ayuu yiri Hitler iyo Xaaskiisa oo labadooduba Mayd ah .. Ciidankii Ruushka ayaa ilaaliyahan gaarka ah xiray isagoo muddo 8 sanadood ah ku jiray jeelka. ILaaliye Rocheus Misch, ayaa ku sifeeyay Hitler inuu ahaa hogaamiye wanaagsan oo ixtiraam badan.