Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 3 July 2025

Nafta Oo La Dhiso Waa Furaha Guusha Iyo Farxada .. Naftaada Ka Dhis Gudaha Ka Hor Intaadan Dibada Qurxin

Wednesday - July 2, 2025





Quruxda dhabta ah ee qofka ma-aha mid ku kooban muuqaalka dibadda ee indhaha soo jiita, balse waa mid ka yimaada gudaha Qalbiga iyo Maskaxda .. Dad badan ayaa ku mashquulsan inay naftooda ku qurxiyaan Dhar, Sawir, hadal ama muuqaallo, iyagoo dayacaya waxa gudaha ku jira ee niyadda, akhlaaqda, iyo fahamka nafsadda.

Sida guriga oo kale, Aasaaska adag ayaa dhismaha ka dhigaya mid waara oo qurux badan, laakiin Haddii gudahaaga aanad si dhab ah u dhisin, quruxda kore waxay noqonaysaa mid aan waqti dheer sii jirin. Fahanka naftaada, xakamaynta dareenkaaga, iyo xoojinta qiyamkaaga waa tiirarka ugu muhiimsan ee horumarka shakhsiga.

Qofka gudaha ka dhisan waa qof leh:

✔️ Aragti deggan oo cad, oo uu ku wajahayo nolosha iyo caqabadaheeda.

✔️ Samir iyo dulqaad, marka xaaladaha adag yimaadaan.

✔️ Ixtiraam iyo naxariis, oo uu u muujiyo naftiisa iyo dadka kale.

✔️ Garasho iyo aqoon, oo hagta go'aanadiisa iyo talaabooyinkiisa.

Gudahaaga hagaaji, si dibaddaadu u noqoto muraayad ka tarjumaysa xoog iyo hufnaan .. Nafta oo la dhiso waa furaha guusha iyo farxadda.