Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 14 July 2025

Somali Waa Ummad Ka Soo Jeeda Bulsho Xoolo Dhaqato Ah .. Laakiin Nicmooyin-kaas Uu ILaahay Ina Siiyey Dhibaato Ayey Inagu Qabaan

Monday - July 14, 2025




Somalida Waa Ummad Ka Soo Jeeda Bulsho Xoolo-dhaqato Ah Taaso Hab Nololeed-keedu Ku Xiran Xoolaha Oo Ay Hadba Ula Guuraan Meesha Ay Biyo Iyo Baad Uga Helayaan .. Hadaba Nimcooyinka uu ilaahay ina siiyay waxaan ka soo qaadanayaa xoolaha aynu ku noolay ee loola dhaqmo sida arxan-darrada ah .. xooluhu sidaynu u damqanno ayay u damqadaan, waxa ku dhaca dayac iyo dulmi ay ku hoos joogaan dadka munaafacaad-sanaya qabow ayay u dhintaan roob ayaa xero ku laaaya Gaajay u dhintaan iyo ax la mida Maxaa yeelay waa xoolo.

Kelmadda xoolo dadku wuu isku Caayaa hebel waa xoolo, taasi waxay markhaati ka tahay agteenna inay ku hooseeyaan, Xaq waxay inoogu leeyihiin in la xafido oo la daryeelo Waayo ilaahay wuu inagu eegayaa.

Ma laga yaabaa Abaaraha culusi inay yihiin ciqaab uu ilaahay inagu xusuusinayo dayacay qabaan waar miyaanaydaan arag Dameeruha Gaari laga dhigtay iyadoo garbaha uu dhiig ka da'yo ayaa la rartay kir kir kir weeye Dameeryow waa laysku caayaa magaca dameerka .. Roob yaraantu waa imtixaan dulmiga xoolaha aynu ka galay ah ee halla daryeelo oo garaacista iyo dayaca ha laga ilaaliyo xooluhu waa raxmad ilaahay ee Cay ma aha XOOLOOW oo kale.