Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Murtidi Dhaxl Galka Ahayd Ee Garaad Wiil Waal: Rag Walaal Wuxuu Ku Dhaamo Waayey
Friday - May 27, 2016
Garaad Faarax Garad Xirsi Garaad Hantun Wiil-Waal, waxuu ahaa dagaal yahan oo qabaaiilkii Galla dhib badan u geystay, dhul badana ka furtay, wuxuu ahaa aragti soofeysan, aftahamo iyo hogaamin aad u sareysa, wuxuu ahaa nin amaradiisa ka socoto degaanka u dhaxeya Harar iyo Jigjiga iyo dhulka dariska la ah. colaadd iyo nabadgalyabba wuxuu ahaa hormood somali ku dhaarato, gabayo culusna lahaa.
Garad Wiil-Waal, wuxuu lahaa saldano taam ah iyo Tol aad u tanaaday oo xoog badan. marku isku hubsaday ayuu is cajabiyey oo wuxuu isku qanciyey inaan Bartire nin la aragti ah ama ku soo dhaw jirin. wuxuu jeclaa dadkiisa iney wada noqdaan geesiyaal, inkasto u ka baqi jiray in xukunka u ka qaadi-doono nin geesi ah oo caqli badan, sidaa awgeedna dadka geesiyaasha ee caqliga badan il gaara ah ayuu ku eegi jiray.
Maalin Maalmaha ka mid ah Ayaa waxa la yiri "Wiilwaalow” inantii Walaasha aheyd waxay dhashay Wiil Doqon ah, oo adiga aan ku Raacin, Waana kuu ceeb maanta in wiil Calle ah oo Wiilwaal baa Abtigay ah leh inuu dunida joogo" Wiilwaal arrintaa aad buu uga xumaaday wuxuuna u arkay dhaawac weyn soo gaari-karo Haybaddii u dadkiisa ku dhex lahaa, Hase yeeshee wuxuu go’aan ku gaaray inuu Warkaas Hubsado, oo u aado wiilkii iyo walaashii Dhashay ee u abtiga u ahaa sii u caqligiisa u soo tijaabiyo
Markiiba Faraskiba intuu kooraystay ayuu waddada cagta saaray, dhinac kale wiilka uu Wiil-waal Abtiga u aha Isma aanay arag Weligood, ilaa intii uu ka qaangaaray, Markastana Hooyadii wuxuu ku oran jiray Hooyo Maalin Un maad abtigay i Tustid intaa ifka wada joogno, Hase yeeshee hooyada oo iska Mashquulsaneyd iyo reeraha oo kala fogaa darteed codsigaa waayo badan wuu fuli waayey
Waagi dambe markii wiilkii uu Hooyadii ku wareeriyey " hooyo abti mad i tustid" ayaa waxay tiri Hooyo aniga kuma raaci-karo oo jilib xiran baan ahee ee abtigaa waa ku tilmaamayaaye aad" intay faraskiisi u heenseesay ayey jidka ku soo riday lana dardaarantay una sheegtay in abtigii tilmaamihiisa kuna toosisay tubtii uu u mari lahaa, Wiilkii wadada ayuu ku soo dhaqaaqay isagoo maanka ku haya in maanta abtigii u la kulmi doono, Haseyeeshee wax yar kadiba waxay isaga hor yimadeen meel dhexe oo labadii reerood u dhaxeysa, Wiilwaal oo aha nin fiiro dheer ayaa markiiba hubsaday wiilkani yahay Wiilki la sheegayey ee u abtiga u ahaa, Wiilkii laftiisa wuu maleeyey, Hase yeeshee uma hubneyn
Markiiba Wiilwaal Wuxuu bilbabay Isagoo isu sheegin inuu garaadka Wiilk u abtiga u yahay Tijaabiyo, Wuxuuna ku yiri
"Waryaa xoolo maxaad ka timid, oo Xaas maxaa ka timid, oo Xulquun maxaad ka timid oo Xarago maxaad ka timid Oo Xil maxaad ka timid"
Wiilkii ayaa ugu Jawaabay
"Xoolo waxaan ka imid boqol neef oo geel ah, Xaasna waxaan ka imid laba boqol oo Riyaad ah, Xulquun waxaan ka imid boqol neef oo ido ah, Xarago waxaan la imid faraskaan aan ku joogo, Xilana waxaan ka imid aniga iiyo xididkey oo wada yaal"
Wiilwaal baa intuu qoslay yiri
" Xaasha ee been bay ii sheegeen" adiga iyo Doqonimo way kala fogtahay. " Geel xoolo wuu yahay ee dadkaaga ku dhex dhaqo. Geel caanihiisa ha kula dhameen, dhiciisana ha kula gurmadeen, Riyahana Xaas waa yihiin naq dambana ha heleen naag wanaagsan ha ilaaliso, idana Xurquun waa yihiin dooxna la ogow, xiliga Deyrta dhalkana Ka Ogow. Farasna xarago wuu yahay ku joog ama ka joog, xididkana waa xidid kula yaale kala ood fogaada"
Halkii ayuu isugu sheegay oo Wiilwaal ku kaxeeyey inankii uu abtiga u aha gurigiisina ku geeyey dhowr Toddobaadna uu ku Marti qaadnaa
Cala ay xaal Garaad Faarax Garaad Xirsi Garaad Hantun "Wiil-Waal" wuxuu marba marka ka dambeysa heer soo joogaba oo nabad iyo dagaal intaba dabin dhigay, rag intu cadaabo god qarmuuna hooy uga dhigaba, wuxuu ugu dambeysti soo istaagay inu maalin maalmaha ka mid ah shir deg deg ah qabtay, oo dhammaan dadkii deegaanka ka dhowaa ayaa shirkii ka soo qayb-galay.
Wuxuu Wiil-Waal dadkii ku yiri: "Maanta waxaan doonayaa in aan idiin sheego hadal murti iyo maharto leh oo maguuraan ah, maandhooyinow si wacan ii dhegeysta".
"Hawraarsane, maxaad Garaadow noo sheegi lahayd?" oday dadkii goobta gabranaa ka mid ahaa ayaa weyddiiyey.
Dadkii oo aammusan oo afkiisa ereyo ka soo baxa dhawraya oo dhegta wada raaricinaya ayuu Wiil-Waal ku yiri:
"Rag wax kasta ku dayay, dameerna u tu’iyey. Waxaanse ogaaday in ‘Walaal!’ wuxuu ku dhaamo aan la arag.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story