Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Butin Oo Si Caro Leh U Yiri: Dabkii Daashka Kaa Guba Dignin Baa Laga Qaata .. NATO Waan Iska Caabineyna .. Suuriya Waan U Hiilineynaa Oo Ma Rabno Iney Noqoto Sida Somaliya

Sunday - May 29, 2016



Madaxweynaha Ruusiya Oo u weheliyo Raiisal wasaaraha Greek Alexis Tsipras oo biishan 28-deeda Shir Jaraaiid Ku Qabtay caasimada Athens, ayaa arimo badan oo dhagta loo taagayey ka hadlay, isagoo marka hore si gaara u tilmaamay in Dawladda Ukrain ay maalmahaan raacdeyn ugu jirto sidi jaziiradaha bada-madow Crimea loogu soo celin-lahaa, taaso si dardaar-waris ah uu uga jawaabay madawyne Butin oo yiri; reer Ukrainow samir ka yeesha iskana ilooba sheegashada balac sea -crimea.

Madaxweyne Butin oo caro ilka-jiriqsi ka muuqato, ayaa sido kale wax ka taabtay hubka iyo sawaariikhda dhaa-dheer ee lagu rakibay dhulka Romanya ee maylka dhaw u jira Moska, taaso u ka yiri; waxay saadaashu muujineysa majaxaabada iyo khatarta lala maagan-yahay dalkayaga Ruush oo muraadka weyn u yahay in hubkayaga nukleyeerka la taar-gareyo, isla markaa madaxweynhu waxuu daboolka ka qaaday in mareykanka si hadal mada-daalis ah ay yiraahdeen gantaalada aan meesha soo dhignay waa defense system work kaliya, oo ma aha kuwa weerar gali-kara, waxaanse ognahay ayuu yiri; in gantaalada markii la doono loo jiheyn-karo dhinaca weerarka kadib markii brogaraamka u ku habeysan-yahay loo badalo brograam system weerar. waxaan kalo la soconaa ayuu yiri; gogolxaarka rakibaada gantaala kale laga wado dhinaca dhulka Boland, waase u toog hayna oo anagana waxaan qaadnay talaabadi ku haboon, ayuu hadalkiisi goodinta ku daray.

Madaxweyne Butin ayaa hadalkiisi si raaciyey oo yiri: hadda gantaalada mareykanka ay soo dhigeen Rumaniya waxay masaafo gaaran illa 500 km, laakiin waxaan ogsoonahay in sanadka dambe ay keeni doonaan kuwa gaaraya 1000 km .. madaxweynaha oo hadalkiisi si wata ayaa intaa raaciyey oo yiri: Masuulliinta Mareykanka waxay had iyo jeer ku andocoon-jireen in gantaalada halkaa u dhigeen baqdin ay ka qabto iiraan oo sameysaneysa Hubka Nukleyeerka, taaso u ku tilmaamay iney awlaba ahayd hadal xagal daacin iyo marmarsiiyo Ruush lagu daan-daansanaayo.

Dhinaca kale Butin oo ka hadlay Qadiyada qoomiyada Kurdiga ayaa yiri: Dawlada Ruush kuma fakareyso ney xal u raadiso Kurdiga Suuriya, oo waa arin u taal dawladaha suuriya ay ka midka yihiin, isagoo taa raaciiyey in dawlada Ruushka ay hadafkeedu qura yahay in ay la dagaasho mitidka Argagixisada si aysan dawlada Suuriya u noqon sidi Libiya iyo Somaliya u kala daadatay. talabaads aan qaadeynana dawlada mareykanka iyo gobolka kwa ka mida wax badan oo isku aragti ah ayaan isku mid ka nahay.

Madaxweyne Butin Oo ka sharqamiyey xiriirka ciiryaameysan Ruushka iyo Turkiga ayaa yiri: masuullinta Turkiga waxay si indho-adkaana, daacad u hadleyn ayey noola yimaadeen faafaahin sidi wax u dhaceen oo kaliya, laakiin kama ay hadlin siriqda la qoolay mase ay keenin qawl maamus raaligalin iyo magdhaw midna.