Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Odagi Juxa Oo Degaan U Joogay Ka Noqday Caawiyaha Xal U Helida Dibaatooyinka Dadka La Soo Darsa

Sunday - May 29, 2016



Juxa ( Nuuradiin) oo dad badani u yaqaanin Doqon, wuxuu ahaa Oday Carbeed oo inta badan qisaska iyo sheeko xariirada maadeyska u badan dhaqanka Carabta kaga jira, halka u Cigaal Shidaad kaga jiro dhaqanka Somaalida. laakiin xaqiiqadu waxay tahay in marka aad u fiirsato ficiladooda iyo hadaladooda waxaad ka dhadhamineysa xikmad dhuuxa kaga jirta oo ciddi garata wax badan ka fahmeyso.
Juxa wuxuu ku dhashay magalada Khoy ee ku taala west Azerbaijan oo waqtigaas ka tirsaneyd iiraan, laakiin hadda ka mida dhinaca Turkiga.
                                      --------------------------------------------------------
Juxa oo degmo uu joogay isaga dhigaya nin garad badan oo dadka degaanka ka caawin kara xal u helida dhibaatooyinka la soo dersa, ayaa maalin maalmaha ka mid ah uu u yimid nin dhibaato heshay ka cabanaaya oo leh "Aniga, xaaskeyga, caruurteyda oo lixa, hooyaday iyo sodohdey, ayaa 2-qol ciriiri ah oo kaliya ku wada nool ee dhibtaas ciriiriga iyo faqriga side aan u xaliyaa?.

Juxa ayaa ugu jawaabay oo yiri: imisa xoolo ayaad leedahay? Ninkii ayaa yiri waxaan leeyahay Dameer, Sac, Wan, Ey iyo Digaagad .. Juxaa ayaa yiri: Orod oo Dameerkaaga iyo Wanka guriga gudihiisa ku soo xaree" Ninkii taladi ayaa uu qaatay, laakiin laba dharaarood kadib ayaa u haddana ku soo noqday Juxa isaga oo ka cabanaya in dhibti ay kaba si dartay oo reerkii xaal xun ku jiraan oo intaa dameerkii bururufta hayo lagana seexan waayey .. Juxa ayaa mar kale talo ku siiyey: Orod oo Eyga isagana guriga ku soo xaree? Laba maalmood kadib ninkii oo hurdo la'aan la midab doorsamay, caro cirka maraya ayaa ku soo noqday Juxa oo uu weli xikmad ka sugaayo, wax aanu ku yiri: Juxa xaalku meel aan loo sii dulqaadan karin ayaa u marayaa ee odayahow xal keen"

Juxa ismaba dhibin ee markale ayaa uu ku yiri:Iminka ayaa uu xalkii ugu dhaw yahay ee Digaagada iyo Saca iyagana guriga ku soo xaree. Ninkii oo in uu is-dilo ku siganaya ayaa maalin kaliya markii u maqnaa ku soo rogaal celiyey Juxa, wax aanu ku canaantay in xikmadiisu bar-kuma taal tahay oo uu dhibti uun ku sii badiyey .. Juxa waxa u ninkii ku yiri: Orod oo dameerka iyo Eyga dibada uga saar oo hadda bal sida xaal noqdo igu soo war celi .. Ninkii dameerkii iyo Eygi marku saaray oo xaaladi guriga illa xad degtay, ayaa subaxdi isagoo faraxsan uu u yimid Juxa oo ku yiri: xaalkii markii aan dameerka iyo Eyga saaray xoogaa sidi hore waa uu ka soo reeyey .. Hadana Juxa wuxuu uu ninkii ku yiri: bal hadda Orod oo Wankana dibada uga saar qolka. Ninkii sidii ayaa uu yeelay, maalinti dambana isaga oo sidii hore ka farxad badan ayaa uu Juxa ku soo noqday oo yiri: Xaalkii guriga aad ayaa uu uga soo reeyey, oo aniga iyo familkii farx baan la seexanaa, waxaan si qalbi ah ayaa aan kugu mahadnaqaya.

Juxa waxaa uu ninkii ku yiri: Orod oo Digaagada, Saca guriga dibada uga saar .. Ninkii sidi ayaa uu yeelay oo digaagadi iyo saci ayuu saaray, kadib gurigi wuxuu ku soo noqday xaalad degan iyo farxad guud , dabadeed subixi ayaa isagoo faraxsan uu ku jarmaaday Juxa, si uu uga soo mahad-naqo samafalka uu u galay iyo xikmada uu dhibtii kaga xaliyey ee haatan u nafiska yahay .. Juxa ayaa yiri Ogow inaad markii hore iyo intaadan ii imaan inaad raaxo ku jirtay, laakiin aad hadda ogaatay, oo aad wax iimaansatay

Waxaa laga yaabaa in dad badani ay la yaabaan Juxa habka uu u xaliyey dhibtaas uu ninku cabashadeeda ula yimid, laakiin waa habka ay maanta siyaasiyiinta dunidu u xaliyaan dhibaatooyinka ummadooda soo wajaha, waliba waa kuwa ugu xikmad roon .. Waa hab ah dhibaato aad xalinkarto abuur, kadib markii ay dadku damqadaan, dhibtaas xali, wax ay ku arkayaan halyey dhibaatooyinkii ummada wax ka qabtay iyaga oo aan is weydiin in aad adigu ahayd cida marka horeba dhibtaan keentay.