Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025

Nin Mareykan Ah Oo Xawaare Sare Lagu Ganaaxay Oo Isna Si Aarsi Ah Ganaaxi Ku Bixiyey Qadaadiic Yar Baaldyo Ka Buuxaan Oo Si Loo Tiriyo Adkaatay

Saturday - June 4, 2016



Texas- Nin u dhashay dalka Maraykanka oo booliska nabadgalyada waddooyinku ku ganaaxeen xawaare ka sareeya intii loo baahnaa oo uu ku socday, ayaa si wayn uga carooday, ka dibna go’aansaday inuu lacagta ganaaxa ku bixiyo lacag qadaadiic, tiro dhaaftay oo wax kala tiriya la waayay.

Brett Sanders, ayaa boolisku u jaray ganaax 212-dollar ah, markii gaarigiisa uu ku kaxeeyay xawaare 39-Mayl ah, kaas oo ka sareeya intii sharcigu u ogolaa oo ahayd sodon Mayl, laakiin ninkan ayaa sheegay in aanay jirin cid uu naftooda halis geliyay iyo dhibaato uu sababay, laakiin xanaaqi ayuu kaga jawaabay, inuu soo urursado lacag qadaadiic ah, waxaanu xarunti ganaaxa lagu bixinaayey ku keenay baaldiyo, karaatoon iyo kiishash isagoo ku sida. markii uu ku hor qubay ayay afkala-qaad ku noqotay shaqaalihii cashuuraha oo aan wakhti u hayn tirinteeda.