Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Seefu-laah Khaalid Ibn Waliid Waa Geesigi Taariikhda Ku Taxay Jabinta Cadawgi Musllimiinta Ee Ruum
Thursday - June 9, 2016
Khaalid Bin Waliid: oo noolaa intii u dhexeysey (592-642), waxa uu ahaa saraakiishi sar sare ee ugu qiimaha badnaa ee adduunka soo mara, waxana uu ahaa dadkii ugu geesisanaa ee weligood soo mara Muslimiinta. Waxa uu hoggaamiyey ciidamada Muslimiinta xilligii uu Noolaa Rasuulku NNKH, iyo xilligii Khulafaa'u Raashidiintii: AbuuBakar Sidiiq iyo Cumar Bin Khaddaab.
Waxaa Nabi Maxamed NNKH Laga wariyey inu Yiri: "Khaalid Bin Walid waa addoonkii Allah oo aad u wanaagsan oo ka mid ah Seefaha Allah, ayaa xooggiisii ooda kaga qaaday kuwo aan Allah rumaysnayn, sidaasna waxaa weriyey Tirmidi iyo Axmad ayna ka weriyeen Abu Hurayrah, kuna sugan Saxiix Al-Jaamic Al-Saqiir No. 6776.
Dagaalkii Mu'ta
ayaa waxaa la diley saddex ka mid ah saraakiishii hoggaaminayey Muslimiinta, Markaas ayaa Khaalid (r.c.) waxa uu qabtay hoggaaminta ciidankii dagaalamayey .. Khalid (r.c.) waxa uu wadey dagaalkii xataa iyadoo xaaladu aad u sii xumaaneysey. Waxa uu u dagaalamay si geesinimo dhaaf ah, waxaana jabay sagaal seefood oo uu ku dagaalamayey. Laakiin wuxuu ogaa haddii uu dagaalkaasi sii socdo in la laynaayo dhammaan ciidankiisa, markaas ayuu ciidankii uu watey dib uga saaray goobtii dagaalka. Waxana uu ku celiyey Madiina. Markaas ayaa dadkii waxay ku eedeeyey in uu baqdin darteed uu Khaalid dagaalka uga soo cararay. Laakiin Rasuulku (NNKH) waxa uu dadkii u sheegay in uu Khaalid sidii saxda ahayd sameeyey. Waxana uu Rasuulku (NNKH) yiri: Khaalid iyo ciidankiisu waxa mar kale u dagaalami doonaan magaca Allah (s.w.t). Waxana uu Rasuulku (NNKH) Khaalid bin Waliid (r.c.) siiyey cinwaanka Seeftii Allah (Sayfullah). Waxaana hadalkii Rasuulkii Allah la arkay markii uu Khaalid wacdaraha ka soo hooyey dagaaladii dambe ee uu galay, sida kii Yarmuk.
Dagaalkii Yarmuuk
ee dhex maray Muslimiinta iyo Ruumaankii, waxa uu ka dhacay dalka Suuriya (Syria) markey taariikhdu ahayd August 636, waxana uu dagaalkaasi socdey lix maalmood. Boqorkii Byzantine, oo magaciisa la oran jirey Heraclius, waxa uu isu keenay ciidan isugu jirey Greek, Syrian, Mesopotamian iyo Armenian oo tiradoodu ahayd 200,000. Safka hore ayuu keenay ciidamo uu isugu xirxiray silsilado si aysan uga cararin seefta Muslimiinta. Askarta tiradaas le'eg waxa ay ka hor tegayeen Musliinta oo tiraduudu dhamayd 24,000. Waxaana Guushi Allah siiyey Muslimiinta, waxaana taariikhyanadu sheegaan in goobta Al-Yarmuk oo ah Webi lagu diley 70,000 oo ah ciidankii Giriiga iyo xulufadoodii ee boqor Heraclius, Muslimiintiina halkaas ay ku raacday guushii ugu weyney, guushaas oo sabab u noqotay in Suuriya ay kusoo wareegto gacanta Muslimiinta.
Si dadka loo tuso in guushu ay ka timid xagga Allah (swt) oo keliya, ayaa xilligii Khaliifada Cumar (r.c) waxa uu Khaalid (r.c) u sheegay in uu iska dhiibo hoggaaminta Ciidamidii Muslimiinta ee ku sugnaa Suuriya. Khaalid (r.c) waa aqbalay arrintaas ay go'aansatay Khaliifada, laakiin waxa uu sii wadey in uu dagaalka ku jiro isagoo Askari caadi ah.
Khalid bin Waliid (r.c.) sannadkii 642 ayuu u dhintay xanuun caadi ah. Wixii uu haysteyna oo qalab ahna waxuu uu ku wareejiyey Khaliifadii Cumar (r.c.)
-Waxaan ahay halyey dagaal yahan ah; Waxaan ahay Seeftii Allah, Khaalid Bin Waliid!
Khaalid Bin Waliid rc, ayaa isagoo gogoshi geerida yaala laga hayey: U sheeg fulaha inaan dagaal lagu dhiman, kol hadaan anba furaash dushi geeridi kula kulmayo
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story