Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Jacfar Bin Abu Daalib Iyo Cadaaladi Boqorkii Najaashi Ee Xabashida
Friday - June 10, 2016
Iyagoo ka fasax qaatay Rasuulka scw, Muhaajiriintii saxaabada ayaa u anbabaxay dhulkii Xabasha, waxaana muhaajiriintaas qiimaha badan hoggaaminayay saxaabiga jaliilka ah ee Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markii ay soo gaareen Geeska Afrika, gaar ahaan arlada Xabasha, waxay durbadiiba magangalyo weydiisteen boqorkii Xabasha ee caddaaladda iyo wanaagga badnaa laguna magacaabayay Najaashi. Waxay markii ugu horeysay saxaabadii muhaajiriintii ahaa dareemeen ammaan iyo nabadgelyo buuxda, laga soo billaabo markay soo islaameen. Waxay billaabeen inay si xor ah u muujiyaan cibaadooyinkoodii diinniga ahaa, iyadoo aynan arrintaas kala kulmin wax dhibaato ah. Hase ahaatee, gaalladii Qureysh markii ay maqleen in koox ka mid ah muslimiinta ay u qaxeen Xabasha, sidoo kalena ay magangalyo ka heleen boqorkii Xabasha ayaa waxay isku dayeen sidii ay muslimiintaas ugu soo celin lahaayeen magaalooyinkooda, dabadeedna ay u dili lahaayeen ama ay xabsiga ugu taxaabi lahaayeen.
Qureysh markay maqleen wararka la xiriira sidii loo soo dhoweeyay waxay billaabeen inay ku amar-taagleeyaan muhaajiriinti, waxay boqorkii Najaashiga u soo direen labo nin oo xaga afminshaarnimada Ku Xoog badan, waxayna kala ahaayeen Camar Bin Al-Caas iyo Cabdullaahi Binu Abii Rabiica, waxayna labadaas nin wadeen haddiyado fara badan oo loogu talagalay boqorka Najaashi iyo wadaaddada kale ee isaga ka ag dhow. Waxay Qureysh labadaas nin u soo dardaarantay inay haddiyooyinkaas ay siiyaan wadaaddada kaniisadda ka hor intaynan ka hadlin boqorka Najaashi".
Markii labadaas nin ay yimaadeen Xabasha waxay la kulmeen wadaaddadii kirirstaanka ee u shaqeenayay boqorka, waxayna siiyeen dhammaantood haddiyadihii ay u wadeen, dabadeedna waxay ku yiraahdeen, waxaa dhulkii boqorka Najaashi soo gaaray qaar ka mid ah dadkeenii madaxa looga jiray, kuwaasoo diintii aabayaashoodii ay haysteen ka gaalloobay, waxay tafaraaruq geliyeen midnimadii tolkoodii, ee haddaan boqorka kala hadalno kuwaas arrinkooda, fadlan waxaad u sheegtaan inuu innaga faraha inoo soo geliyo isagoo aanan weydiin wax ku saabsan diintooda, ugaasyada iyo madaxda qabiilka ayaa si fiican dadkooda u yaqaana, ugana warqaba diimaha ay rumeysan yihiin.".
Wadaaddadii way ogolaadeen codsigoodii oo waxay yiraahdeen "waa yahay". waxay Camar iyo saaxiibkiisii aad u dhibsanayeen inuu boqorka Najaashi uu u yeero mid ka mida muhaajiriinta oo uu hadalkiisa u dhagaysto. Intaa dabadeed waxay Camar iyo ninkii la socday ay u yimaadeen Najaashi, iyagoo ku wareejiyay haddiyadihii ay ugu talagaleen, waxayna ku yiraahdeen hadalladan "Boqorow waxaa Boqor-tooyadaada soo magangalay qaar ka mid ah dhalinyaradeena kuwadooda shar-wadayaasha ah, waxay la yimaadeen diin aanan innaga iyo aabayaasheenaba aqoonin, way ka baxeen diinteenii oo mana aynan qaadeen diintiinii, innaga waxaa na soo diray tolka ay iyaga ka dhasheen ugaasyadooda oo ay ka mid yihiin aabayaashoodii, adeeradooda iyo kuwa ay qaraabada yihiin si aan iyaga gacanta ugu gelino, fitnada iyo dhibaatada ay abuureena iyaga (ugaasyadaas) ayaa naga badiya".
Boqorkii wuxuu u jaleecay xaga wadaaddadiisii, waxayna iyagoo hadalkii u riyaaqsan yiraahdeen "run bay sheegeen -boqorow-, tolkooda ayaa naga badiya, ee iyaga dib ugu celi iyagay jirtaa waxay ka yeelayaan". Boqorkii Najaashi oo aad uga carooday hadalkii wadaaddadii ka soo yeeray ayaa ku yiri "Maya wallaahi, marnaba lagama yaabo inaan dadkaas dalkooda dib ugu musaafuriyo jeer aan u yeero oo aan waxa uga weydiiyo waxa laga sheegayo
Intaa kadib wuxuu Boqorkii Najaashi codsaday inu la kulmo. Markii la soo gaarnay goobtii kulanka waxaa boqorkii oo ay weheliyaan wadaaddadiisii oo ay ka fadhiyaan dhinacyada midigta iyo bidixda, waxay soo gashadeen dhar khaas ah, kutubadoodii ayay is hor-dhigeen, waxaa sidoo kale goobtii kulanka fadhiyay Ergadii Qureysh ee Camar Bin Caas iyo Cabdillaahi Binu Abii Rabiica. Boqorkii ayaa xaga Jacfar eegay, wuxuuna ku yiri: waa maxay diinta aad nagu soo kordhiseen oo aad awgeed uga baxdeen diintii ay tolkiinii haysteen, isla mar ahaantaana aynan u qaadanin diinteena iyo mid kale-toona?.
Jacfar oo su'aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: Boqorow, waxaynu ahayn kuwo jaahili ah, waxaynu caabudi jirnay asnaamta, bakhtigana waynu quudan jirnay, xumaha ayaynu samayn jirnay oo qaraabo-goys ayaynu ahayn, jaarka iyo deriska ayaan dhibaatayn jirnay, keena awoodda leh wuxuu ku tuman jiray kan tabarta daran sidaas ayuu xaalkeena ahaa jeer uu ALLAH (sw) naga soo dhex soo saaro Rasuul aynu naqaano abtirkiisa, runtiisa, amaanadiisa iyo dhowrsanaantiisaba. Wuxuu noogu yeeray rumeynta Allaah, iyo inaan isaga keliya aan caabudno, isla markaasna aan faraha kala baxno wixii aynu innaga iyo aabayaasheenaba ay ku sugnaayeen oo ah cibaadada asnaamta iyo inaan oogno salaadda, bixinno sakada iyo inaan soonno bisha ramadaan. Boqorow intaa dabadeed boqorow waxay tolkeenii billaabeen inay nala colloobaan, xanuun daran ayay na mariyeen si ay nooga celiyaan diinteena oo ay noo celiyaan cibaadadii asnaamta. Markii si daran ay noo dulmeen oo ay noo dhibaateeyeen ayaan u soo qaxnay dhulkiina, adiga ayaan dadkii kale kaa dooranay, waxaynu doorbidnay la deriskaaga, waxaan maciin-badnay inaan agtaada nalagu dhibaataynin.
Boqorkii Najaashi wuxuu u jaleecay oo eegay Jacfar Bin Abii Dhaalib, wuxuuna ku yiri ma jiraan wax tilmaamaya wixii uu Nebigiina kala yimid xagga Allaah, wuxuuna Jacfar yiri HAA, dabadeedna wuxuu boqorkii ku dul aqriyay suuradda Maryama "kaaf-haa-yaa-cayn-saad- (Allaah ayaa og macnaha xuruufahaan), waa sheegid naxariista Rabbigaa u sheegayo addoonkiisa Zakariya, mar uu u dhawaaqayay Rabbigiisa dhawaaq qarsoodi ah, yirina Rabbiyow annigu waan tabar-yaraaday, madaxayguna wuxuu la huray cirro, mana ahayn –Rabbiyoow- baryadaada mid ku khasaara....", wuu waday jeer uu Jacfar ka dhammeeyay dhammaan suuraddii Maryama oo ka kooban 98 aayadood.
Waxaa ooyay boqorkii Najaashi, ilmadii ka soo daadanaysay ayaa garkiisii oo dhan qoysay, wadaaddadiisiina way ooyeen markii ay maqleen aayadihii xaqa ahaa ee laabtoodii gilgilay, kadibna wuxuu boqorkii nagu yiri diintii lagu soo dejiyay Nebigiina iyo diinta lagu soo diray Nebi Ciise waxay ka yimaadeen hal meel, intaa dabadeed wuxuu eegay Camar iyo saaxiibkiisa wuxuuna ku yiri "iska taga, wallaahi ayaan ku dhaartaye inaanan (kuwan) gacanta idiin gelinaynin".
Ummu Salama oo waxaas dhacay oo dhan laga wariyey waxay warbixnteedi raacisay: markii aan ka dhaqaaqnay fadhigii boqorka Najaashi waxaa na handdaday oo noo gooddiyay Camar Bin Caas, wuxuuna saaxiibkiis ku yiri, waxaan berito u tagayaa boqorka annigoo u sheegi doono hadal boqorka ku abuura inuu idin caroodo. Cabdullaahi Binu Abii Rabiica ayaa ku yiri Camar: ha samaynin sidaas, inkastoo ay na khilaafeen haddana waa xigtadeenii. Camar ayaa markale ugu jawaabay adiga faraha iga qaad, wallaahi inaan boqorka u sheegi doono inay Nebi Ciise ka aaminsan yihiin inuu yahay addoon. Maalintii danbe markii la gaaray ayaa Camar wuxuu u galay boqorkii Najaashi, wuxuuna ku yiri Boqorow kuwan aad magangalyada siisay waxay ku sheegayaan Ciise Ina Maryama hadal aad u weyn, sidaas darteed intaad u yeertid waxaad weydiisaa waxa ay Ciise ka aaminsan yihiin. Waxay tiri Ummu Salama, markaan arrinkaas ogaannay waxaa nagu soo kordhay murugo iyo tiiraanyo aanan horey noo qabsan, waxaynu is niri, hadduu boqorka wax naga su'aalo Nebi Ciise (cs) maxaynu niraahnaa??. Waxaan isla garanay inay habboon tahay inaan su'aashaas aan uga jawaabno oraahdii uu Allaah ka yiri Ciise, innagoo wax kale aanan ku siyaadinin, dabadeedna wixii markaas kadib dhacayo ha dhaceen. Waxaan markale isla garannay inuu noo hadlo Jacfar Bin Abii Dhaalib. Markaan hor nimid boqorkii Najaashi, wuxuu na weydiiyay waxa aan ka aaminsannahay Ciise Ina Maryam, wuxuuna Jacfar ku yiri boqorka “Nebi Ciise waxaan ka leenahay oo keliya waa wixii uu nooga waramay Nebigeena Muxammad (scw)”. Boqorkii ayaa raaciyay su’aashaan “waa maxay waxaasi?”.
Jacfar oo ka jawaab bixinaya Nebi Ciise (cs) ayaa yiri "waa addoonkii Alle iyo Rasuulkiisa.....". Markii uu boqorkii Najaashi maqlay hadalkaasi wuxuu gacanta ku garaacay dhulka, wuxuuna yiri.. “ma jiraan wax ay ku kala duwan yihiin Nebi Ciise (cs) iyo nebigiina”. Sawaxan iyo buuq ayay isku dareen wadaaddadii kirishtaanka ee ag fadhiyay boqorka, iyagoo caro ka muujiyay hadalka ka soo yeeray boqorkoodii. Boqorkii Najaashi oo si weyn ugu qanacsan sharaxaaddii muslimiinta ay ka bixiyeen diintoodii ayaa ku yiri “socda oo waxaad tihiin kuwo la nabadgeliyay, qofkii idin caaya waa la ganaaxayaa, qofkii idin dhibaateeyana waa la ciqaabayaa, wallaahi ayaan ku dhaartaye kuma doorsanayo in la i siiyo buur dahab ah oo markaasi qof idinka mid ah ay soo gaarto dhibaato”, kadibna wuxuu boqorka eegay ergadii Qureysh ee Camar iyo saaxiibkiis isagoo ku yiri “ ha loo celiyo labadaan nin haddayadahoodii, waayo uma baahnin”. Ummu Salama waxay tiri, Camar iyo saaxiibkiis oo qoomameenaya ayaa dib dalkoodii ugu laabtay, hase ahaatee innaga waxaan si maamuus leh u sii joognay dhulkii Xabasha.
Saxaabigii jaliilka ahaa ee Jacfar Bin Abii Dhaalib iyo afadiisii Asmaa waxay geeska Afrika si nabad ah ugu sugnaayeen toban sanno. Hase ahaatee, sannadkii toddobaad ee hijriga ayaa waxay iyaga iyo koox saxaabada ka mid ah ku soo laabteen magaallada Madiina. Imaanshihii Jacfar iyo muhaajiriintii ka timid Xabasha iyo Rasuulka (scw) oo markaasi ka soo laabtay duulimaadkii Khaybar ayaa wada kulmay, waana kadib markii la furtay Khaybar. imaashahaas oo rusuulka csw aad iyo aad ugu faraxay
Joogistii Jacfar ee uu dunida saarnaa ayaa soo yaraatay. Sannadkii siddeedaad hijriga billowgeedii wuxuu Rasuulka (scw) diyaariyay ciidan la dagaallama ciidamada Ruum ee ku sugnaa gobolka Shaam, wuxuuna ciidankii muslimiintii madax uga dhigay Zeyd Binu Xaaritha, wuxuuna yiri “haddii la dilo Zeyd ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Jacfar Binu Abii Dhaalib, Jacfar haddii la dilo ama la dhaawaco waxaa amiir noqonaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Cabdullaahi Binu Rawaaxa haddii la dilo ama la dhaawaco markaasi muslimiinta ha iska dhex doorteen mid iyaga ka mid ah..”.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story