Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Maalmihii U Noola Nabi Maxamed csw Iyo Sidu U Booqan Jiray Saaxibada Iyo Qaraabada
Sunday - June 12, 2016
Nebigu SCW waxuu saacadaha subaxii marar soo booqan jiray saaxiibadii ama qaar ka mid ah qaraabadiisa. Tusaale: mar ayuu u baxay si uu u soo booqdo inantiisii Faadumo gurigeeda si uu u soo arko caruurteeda uu awowga u ahaa gaar ahaan Xasan Ibnu Cali. Abu Hurayra ayaa weriyay in subax isaga oo jooga masaajidka nebigu SCW gacanta qabtay oo raacay. Gacantayda ayuu hoos u xejistay oo lugaynay iyadoo midkaayana midka kale la hadal. Markii ugu horaysay waxaanu tagnay suuqa qabiilkii yuhuuda ee reer Qaynuqaac. Waxaanu ku soo wareegnay suuqa isaga oo nebigu eegaya waxa ka socda. Waanu ka tagnay isaga oo gacanta I haysta, waxaanu gaarnay wajahada gurigii Faadumo, halkaas ayuu nebigu fariistay isaga oo leh: mee wiilkii yaraa? U yeera xassan Ibnu Cali ha ii yimaadee. Looma jawaabin nebiga. Faadumo ayaa Xassan haysay waxogaa aan u malaynay in ay u mayrayso ama maryaha ugu hagaajinayso. Markaas ayuu nebigu kacay oo dhaqaaqay aniguna aan raacay oo sidaas ku tegnay masaajidkii oo nebigu jiifsaday oo huwaday maro. Waxaanu lahaa mee wiilkii yaraa? Markiiba xassan ayaa soo cararay oo dusha ka fuulay nebiga, markaas ayuu nebiguna kacay oo labaduba is dhunkadeen. Nebiguna wuu dhunkaday oo laabta ku qaaday. Hassan ayaa gacantiisa ku qabtay garka nebiga. Nebigu afkiisa ayuu furay markaas ayaa Xassan afka geliyay. Nebiga ayaa yiri: Rabbiyow, waan jeclahay ee jeclow adiguna jeclowna qofkasta oo jecel. Nebigu saddex jeer ayuu ducadaas ku celiyay.Abu hurayra waxuu yiri: markasta oo aan Xassan arko ilmo ayaa indhayga ka soo burqan jirtay.
Maalin ayaa nebigu tegay guriga inantiisa Faadumo. Waxaanu weydiiyay mee Cali isaga oo leh mee ina-adeerkaa? Waxay ku tiri waanu is yara qabanay oo sidaas ku baxay. Nebigu waxuu diray qof si loo soo sheego Cali halka uu joogo, waxaana loo sheegay inuu masaajidka jiifo. Sidaas ayuu nebigu SCW ku tegay masaajidka oo arkay Cali oo jiifa dhulka isagoo maradii dusha ka saarayd ka dhacday. Nebigu SCW waxuu bilaabay inuu boorka ka tumo jirkii Cali isaga oo leh : Toos, Abu Turaab, Toos Abu-Turaab.
Waxuu booqan jiray asxaabtiisa iyo saaxiibadii gaar ahaan kuwa buka ama itaal darradu hayso. Waxuu aqbali jiray yeermadooda isaga oo mararka qaarkood u tegi jiray keligii. isla markaa Nebiga SCW marka casuumad loogu yeero waxuu ahaa mid sii kaxayasta qaar ka mid asxaabtiisa .. Nebigu SCW aad ayuu ugu han waynaa oo u ixtiraami jiray qofka marti geliya. Wuu u ducayn jiray iyaga iyo caruurtoodaba. Anis Ibnu Maalik ayaa sifaynaya oo yiri: nebigu waxuu ahaa midka ugu debci iyo dhaqan wanaagsan. Waxuu noogu iman jiray si uu noola sheekaysto. Waxaan lahaa wiil yar oo aan walaalo nahay oo sadex sano kaliya jira. waxaana loogu yeeri jiray Abu Cumayr. Marka nebigu noo yimaado wuu la sheekaysan jiray oo la ciyaari jiray. Maalin ayaa nebigu noo yimi isagoo Abu Cumayr uu caroonayo. Markaas ayaa nebigu SCW hooyaday waydiiyay isagoo leh: Ummu sulaym maxaa ku dhacay Abu Cumayr, wuu caroodaye?.waxay ugu jawaabtay: rasuulkii ilaahayow shimbirtiisii yarayd uu la ciyaari jiray ayaa ka dhimatay. Nebigu SCW wuxuu u tegay wiilkii yaraa isagoo madaxiisa masaxaya ayuu ku yiri: Abu Cumayr maxaa ku dhacay shimbirki? Abu Cumayr Maxaa ku dhacay shimbirkii?.
Nebigu SCW markuu booqdo mid ka mid asxaabtiisa oo wax ka soo cuno gurigiisa, wuu la tukan jiray oo u ducayn jiray. Mar ayuu nebigu SCW booqday Sacad Ibnu Cibaada oo nebiga u keenay rooti iyo subag. Nebigu wuu cunay, markaas ayuu yiri: dadka soomani ha kuu jebiyeen soonkooda gurigaaga, oo wax ka cuneen cuntaada, malaa’igtuna ha soo gasho gurigaaga.
Maalin kale nebigu SCW waxuu booqday Jaabir Ibnu Cabdulaah. Markaas ayaa Jaabir ku yiri xaaskiisii. Waxa inoo imanaya rasuulkii ilaahay maalinta bartankeeda. Ha samaynin waxuu dhibsado nebigu, hana la hadlin sidoo kale wax su'aal ah ha waydiin. Markaas ayuu u qalay Ri’. markuu hilibkii soo hor dhigay nebiga, ayaa nebigu eegay oo ku yiri: Jaabirow waxaad ogtahay in aan hilibka jecelnahay. Markaas ayay dhamaantood wax ka cuneen. Markii nebigu SCW damcay inuu tago, ayay gabadhii jaabir oo guriga gudihiisa ku qarsoonayd u dhawaaqday, iyada oo leh: rasuulkii ilaahayow noo barri Allaah aniga iyo ninkayga. Nebiguna SCW waxuu yiri: nabadgalyo iyo naxariista Allaah korkiina ha yeelo. Markii nebigii tegay ayuu Jaabir xaaskiisii ku yiri: miyaanan ku oran nebiga ha la hadlin? Waxay ugu jawaabtay: miyaanad ka fekerin iyadoo ilaahay nebigiisa gurigeena keenay oo aanan waxba weydiisan aniga iyo adigu oo uu iska tego!?
Nebiga booqashada uu asxaabtiisa ugu tegayay guryahoodu keliya may ahayn qiimayn iyo rajo gelin dhinaca ducada ah ee waxa kale oo ay ahayd hab gaar ah oo wax barid iyo tilmaam cad oo ka turjumaysa dhaqanka nebiga ee cid la wadaagtaa dhaqankaas oo kale aanay jirin.Cabdullaahi Ibnu Caamir Ibn Rabiicah ayaa weriyay: rasuuulka ilaahay ayaa na soo booqday aniguna xilligaas waxaan ahaa wiil yar. Markaas ayaan doonay in aan iska soo ciyaaro oo debeda u baxo. Hooyaday ayaa igu tiri Cabdullahi kaalay wax ayaan kuu hayaa oo ku siinayaaye. Nebiga ayaa weydiiyay oo ku yiri: maxaad siinaysaa? Waxay tiri: waxaan siinayaa waxoogaa timir ah. markaas ayuu nebigu yiri: hadii aanad siinan, kelmedahaasi waxay kuu galayaan diiwaankaaga oo laguugu qorayo beenaale. Taasi waxay ina tusaysaa sida nebigu wax u barayay ilaa xaasaska iyo hooyooyinka asxaabtiisa si ay runta u laasimaan una ogaadaan khatarta beentu leedahay. Dhinaca kalena wiilkii yaraa oo ah midkan xadiiska warinaya waxuu ogaaday faaiidada ay sheegista runtu leedahay aduun iyo aakhiro labadaba iyo isaga oo mujtamaca muslimka ah uga tegay xadiiskan uu uga faaiidaynayo waxii uu maalintaas nebiga ka bartay.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story