Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 12 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Waa Udub-dhexaadka Sheekada Saxaabigi Salmaan Al-Faarisi Iyo Wadooyinkii Dhibka Uu U Soo Maray Raad-Raaca Diinta Xaqa Ah
Tuesday - June 14, 2016
Salmaan isagoo ka warramaya sheekadiisa wuxuu yiri: Waxaan ahaa wiil dhalinyaro ah, waxaan degganaa degmada Jayan ee gobolka Al-Isfihaan. Aabahay wuxuu ahaa guddoomiyaha degmada, dhinaca kalena wuxuu ka mid ahaa dadka deggan degmada kuwa ugu hantida badan uguna magac dheer. Aabahay aad ayuu ii jeclaa. Jaceylkii uu sidaas ii jeclaa ayaa waxaa maalintii danbe ay gaartay inuu igu xabbiso guriga, sida gabdhahaba loogu hayo guryaha. Waxaan ku dadaalay ku dhaqanka diinta majuusiyadda (diinta la caabudo dabka ama qoraxda), jeer aan markii danbe ku fiicnaaday hurinta dabkii la caabuday, waxaana la ii xil-saaray inaan noqdo huriyaha dabka.
Aabahay wuxuu lahaa aseendo (beer) aad u weyn, beertaas ayuuna aabahay aalaaba ka shaqeyn jiray. Mar mararka ka mid ah ayaa wuxuu aabahay ka mashquulay aadistii beerta, sidaa darteed ayaa wuxuu igu yiri: wiilkaygiyoow maanta waad aragtaa inaan ka mashquulay aadista beerta, ee waxaad aaddaa beertii oo igala wareeg maanta shaqadii beerta. Waan tagey annigoo u jeeda beerta.
Intii aan waddada socday ayaa waxaan waddada dhexdeeda ku arkay kaniisad ka mid ah kaniisadaha ay ku cibaadaystaan Nasaarada (kirishtaanka). Waxaa dhagahayga soo gaaray dhawaaqoodii iyagoo cibaadaysanaya, arrinkaasna wuxuu soo jiitay baraarugayga.
Intaa dabadeed waxaan dadkii weydiiyay, meesha iyo xarunta ay ka soo jeeddo diintan, waxayna iigu jawaabeen dhulka Shaam., waxaan ki iri haddii ay magaallada yimaadaan dad socoto ah oo u socda Gobolka Shaam fadlan ila soo socodsiiya. Wax yar kamaba soo wareegan jeer ay magaaladii yimaadaan dad socoto ahaa oo u socday Shaam, waana si rraacay. Markii aynu nimid Shaam, waxaan u tagay wadaad imaam ka ah kaniisada, wuxuuna iga ogalaaday inaan shaqaale u noqdo
Muddo markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa waxaan ogaaday inuu ninku ahaa nin aan fiicnayn. Waxaan ogaaday inuu dadku amri jiray inay saddaqaystaan, balse isaga ayaa keyd ahaan u dhigan jiray maalkaas ilaa uu maalkii ay buuxiyaan toddobo ashuumood oo dahab ah. laakiin wax yar kadi waaba u dhintay
Wakhti dheer kama soo wareegan jeer booskii ninka wadaadka ahaa looga caleemo saaro nin kale. Ninkan cusub ayaan markale laasimay agtiisa. Ma aan arag nin ka adduunyo neceb, kana aakhiro jecel ninkan, dhinaca kalena kaga daa’imid badan xagga cibaadada. Si aan xad lahayn ayaan u jeclaystay, isaga ayaana in muddo ahba iskala joogay. Hase ahaatee markii ay u timid sakaraatul-mootka (dhimman rabo) oo u dhintay, waxaan soo raadsaday nin la ii sheegay oo ku nool gobolka la yiraahdo Al-Mawsil (magaallo ku taala Ciraaq). Ninkaasi waa nin aan beddelin diinta uu haysto ee sidaas darteed ayaan ugu imidd
Markii uu wadaadkii aan la joogay isna dhintay dhintay, ayaa sidii uu igula taliyayba waxaan u kicitimay ninkii ku noola gobolka Al-Mawsil, Ninkii markaan u imid, wuxuu igu yiri, haddaba anniga ayaad ila joogaysaa. Ninkii ayaan haddana iskala joogay, xaalad wanaagsanna waan ka arkay.
Muddo yar markay ka soo wareegatay wakhtigaas ayaa maalintii danbe ninkii geeriyooday. laakiin horay intu noolaa wuxuu ii ishaaray nin ku nool magaallada Nissiibiin (magaallo ku taala Shaam) waxaan u kicitimay ninkii ku noolaa magaallada Nissiibiin. mrkaan u imid oo aan xaaladeyda uga sheekeyey
wuxuu si sahlan igu yiri: annaga agteena ayaad joogaysaa. Halkii ayaan iska joogay, waxaana la degganaa ninkii wadaadka ahaa, hasa ahaate intusan geeriyoon ayaa isaguna igu yiri: wiilkaygiyow garan maayo ruux diinta u haysta sida annagoo kale aan ka ahayn nin ku nool magaallada Cammuuriya waxaana la yiraahdo hebel ee ninkaas u kicitim.
Ninkii ayaan u kicitimay, waxaana uga warramay sheekadayda, intaa dabadeedna wuxuu igu yiri: anniga ayaad ila joogaysaa. Sidiina ayaana ula noolaa ninkaas, Intaa dabadeed ninkii waxaa u timid geeridii u timid asxaabtiisii hore oo kale, markay u timid sakaraatkii ayaa waxaan ku iri, adiga waad og tahay amarkayga iyo xaalkayga sida uu yahay, sidaa darteed adi-ahaantaa yaad ii dardaarmi lahayd gadaashaa inaan diinta ka barto, dhinaca kalena maxaan sameeyaa? .
Wuxuu yiri wiilkaygiyow - wallaahi- garan maayo inuu jiro qof dadka ka mid ah oo dunida maanta saaran oo haysta diintii Nasaarada ee aan haysanay annaga.., hase ahaatee waxaa la gaaray xilligii dhulka carabta laga soo saari lahaa Nebi haysta diintii Nebi Ibraahim (cs). Nebigaas wuxuu ka haajiri doonaa magaalladii uu degganaa, isagoo u haajiri doona magaallo ka baxda timirta waxayna u dhaxeysaa labo buurood dhexdooda. Wuxuu leeyahay tilmaamo aan qarsoomaynin, waxaana ka mid ah inuu qaato haddiyadaha, mana qaato saddaqooyinka, labadiisa garab dhexdoodana waxaa ku taalla shaabaddii Nebinnimada, ee haddii aad awooddo inaad gaarto magaallooyinkaas samee.
Intaa ka dib, ninkii wuu dhintay, isaga gadaashiis waxaan muddo dheer iska joogay magaallada Cammuuriya ilaa maalintii danbe ay magaallada ka soo maraan dad ganacsato carbeed ah, kana dhashay qabiilka la yiraahdo "Kalbin". Waxaan dadkii ganasatada ahaa ku iri, ka warrama haddii aan idiin raaco magaallooyinka carbeed, isla mar ahaantaana aan idin siiyo neefafkayga lo’da iyo arrigaba. Waxay yiraahdeen haa oo waan yeelnay. Waxaan siiyay lo’dii iyo neefafkii arriga ahaa ee aan haystay, sidiina ayaan nimankii ku raacay.
Waxaan soconnaba waxaynu nimid dooxada lagu magacaabo ”waadul-quraa” (waa tog u dhaxeeya magaallada Madiina iyo gobolka Shaam) meeshaas ayeyna igu khiyaaneen nimankii, iyagoo iga iibsaday nin Yahuudi ah, isaga ayaana shaqaale u noqday. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii wuxuu booqday nin ay ilmo adeerro ahaayeen ahna kana dhashay qabiilka Binii Qureythah, ninkiina ayuu iga gatay, wuxuuna ii sii raray magaallada Yathriba (Madiina).
Waxaan arkay timirtii uu ii sheegay ninkii wadaadka ahaa ee degganaa magaallada Cammuuriya, tilmaantii uu magaallada iiga sheegayna waan aqoonsaday oo waan arkay, sidiina ayaa ninkii magaallada kula joogay. Nebigana (scw) xilligaas aan magaallada Madiina imid wuxuu dacwada Islaamka ugu yeerayay tolkiisii degganaa magaallada Makka, dhinaca kalena ma aan maqlin wax faahfaahin oo warkiisa ku saabsan, mashquulka badan ee addoonnimada igu waajibinaysa darteed.
Haddana, maba sii joogin ilaa uu maalintii danbe Rasuulka (scw) u soo haajiro magaallada Madiina. Wallaahi ayaan ku dhaartaye, waxaan dul-saarnaa geed timir ah, timirtaas oo uu lahaa sayidkayga, waxaana gacanta ku hayay howl aan saa u badnayn, sayyidkaygana wuxuu fadhiyay geedka timirta hoostiisa markii uu na soo qaabilay nin ay sayyidkayga ilmo adeero ahaayeen, wuxuuna ku yiri: Ilaahay ha lacnado reer Banii Qayla (Aws iyo Khazraj), wallaahi hadda waxay ku kulansan yihiin xaafadda la yiraahdo Qubaa, iyagoo ku kulansan nin ka yimid magaallada Makka welibana wuxuu sheeganayaa Nebinnimo.
Ma aanan maqlin halkan danbe jeer ay i qabato wax la moodo qandho, sidoo kalena waxaa igu dhacay jiri-raco ilaa aan ka cabsaday inaan ku-kor-dhaco sayyidkayga. Isla markiiba waxaan si dhaqso leh uga soo daaddegay geedkii timirta ahaa ee aan saarnaa, waxaana annigoo is ogeyn ku iri ninkii: ”maxaad tiri?” bal iigu soo celi wixii aad tiri…. Sayidkayga ayaa iga carooday, wuxuuna igu dhuftay dharbaaxo daran, isagoo igu yiri: maxaa hadalkan kaa galay, u noqo shaqadii aad gacanta ku haysay.
Markii galabtii la gaaray ayaa waxaan horey u soo qaatay xabbado timir ah, annigoo markaas u jiheestay goobtii uu ku soo deggay Rasuulka (scw). Kolkii aan u soo galay Rasuulka, waxaan ku iri: waxaa iga kaa soo gaaray inaad tahay nin suubban, sidoo kalena waxaan ogaaday in asxaabta kula socoto ay yihiin kuwo aan waxna haysan, sidaa darteed waxaan idiin keenay xooggey saddaqo ah oo aan is iri ma jiro cid idinkaga mudan idinka, intaa dabadeed waxaan timirtii u soo dhoweeyay dhinacii uu xigay Nebiga (scw). Nebiga (scw) ayaa asxaabtii ku yiri cuna (timirtan).., hase ahaatee isagu ma cunin. Waxaan naftayda ku iri, mid ka mid ah tilmaamihii hore laguugu sheegay waad heshay.
Intaa ka dib waan iska tagay, waxaana billaabay inaan aruursado xabbado timir ah. Kolkii uu Rasuulka (scw) ka guuray xaafadda Qubaa, uuna u guuray Madiina ayaan markale u imid annigoo sida haddiyad, waxaana Rasuulka ku iri: ”waxaan arkay inaadan cunin saddaqada sidaa darteed waxaan maanta kuu keenay haddiyad aan kugu maamuusayo”. Timirtii haddiyadda ahayd ayuu Rasuulka (scw) cunay, sidoo kalena wuxuu asxaabtiisa amray inay la cunaan sidiina ayeey ula cuneen Rasuulka.
Markale ayaa naftayda ku iri, labo astaamood ayaad heshay, haddana markale ayaan u imid Rasuulkii Alle oo jooga meesha la yiraahdo Baqiic Al-qarqad (meel markii danbe noqotay xabaalaha) wuxuuna aasayay mid ka mid ah asxaabtiisa. Waxaan arkay isagoo fadhiya qabana labo go’, intaa kadib waan soo wareegay annigoo doonaya inaan eego dhabarkiisa bal si aan u arko shaabaddii (khaatam) uu ii tilmaamay saaxiibkaygii aan ku arkay magaallada Cammuuriya.
Markii uu Rasuulka (scw) i arkay annigoo eegaya dhabarkiisa isla markiiba wuu gartay waxa aan doonayo, wuxuuna tuuray go’ii dhabarkiisa saarnaa. Haddaan fiiriyay dhabarkiiba waxaan durbadiiba arkay khaatamkii (khaatumu-nebinnimada) waan aqoonsaday, isla markiiba korkiisa ayaan ku soo foorarsaday annigoo dhunkanaya jirkiisa oonayana.
Rasuulka (scw) ayaa yiri: "khabarkaagu muxuu yahay? Waxaan uga sheekeeyay sheekadayda, Rasuulka aad ayuu u jeclaystay sheekadayda, wuxuuna jeclaystay inay asxaabtana bal ay iga dhegeystaan anniga, waana uga sheekeeyay. Si siyaado leh ayeey ula yaabeen sheekayada, si aan xad lahayna way ugu farxeen.
Nabadgelyada Eebbe (sw) Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii inta uu baxay isagoo xaqa ka raadinaya meel kasta.
Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu xaqa garowsaday isla markiiba rumeeyay iimaan dhab ah.
Nabadgelyo Salmaan Al-Faarisi korkiisa ha ahaato maalintii uu dhintay iyo maalinta la soo saaray isagoo nool.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story