Sheeko Juxa Qosol Leh .. Oday Juxa Iyo Nin Uu Guriga Ka Kireystay
Wednesday - June 29, 2016

Oday Juxa ayaa beri guri ka kiraystay nin uu garanayey, markii uu Juxa gurigii u soo guuray ayuu arkay ceeb aanu guriga ku ogeyn, saqafka sare ee guriga oo jilicsanaa awgii gurigu waxa uu lahaa shanqar badan oo dabayshu lulaysay saqafka.
Juxa aroortii ayuu u soo cawday ninkii guriga ka kireeyey oo uu u sheegay in saqafka gurigu shanqar badan samaynayo, oo habeen iyo maalinba u ka seexan waayey, sidaa awgeed ay tahay in uu ka sameeyo.
Ninkii giriga lahaa ayaa ku yiri: "Waxba ha ka baqin, Saqafku Alle ayuu u tasbiix-sanayaaye "Juxa oo fahmay in ninku khiyaamaynayo, oo weliba diin ku xujaynayo, ayaa yiri: "Waa runtaa, oo anba waan ogahay, laakiin waxa aan ka baqayaa in qalbi jileecu ka bato oo uu isaga oo sujuudsan nagu soo dul dhaco"