Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Madaxweyne C/laahi " Afawarqe Biirka Cantuugaya Iyo D/hir Aweys Balaayo Iyo Shar Bey Tiraabayaan "

Friday - July 25, 2008

Mogadisho Villa soomaaliya : Wararka naga soo gaaraya qasriga Madaxtooyada ayaa tilmaamaya in kulan saacado socday u dhex maray Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf iyo Odayaal af-maal ah oo leh nabadoono wada Aw ah oo lagu tiriyo iney hayb xirir sokeeye u kala dhexeeyo iyaga iyo Daahir Xassan Aweys.

Sida la sheegay odayaashaas oo miisaan kala duwan ku leh bulshada Galgaduud dhexdeeda, waxay ergo ugu yimadeen Mr.Cabdulaahi si ay kala xaajoodaan balaayada iyo dagaalada dadkii Galgaduud boqonaha gooysey, isla markaana waxay ka hadleen kurbada iyo shidada ka haysa Daahir Aweys oo ay soo dhaweyeen codsi ah in la furo wado munaasaba oo loogu gogol-xaarayo heshiisiyo dhex mara Madaxweynaha iyo Daahir Aweys si loo soo afjaro colaadi buntukha caaradiisa la xeersaday.