Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sheekadi cajiibka Ahayd Ee Dhex-martay Nin La Oran jiray Bahluul Iyo Amiir Haaruun Al- Rashiid

Thursday - June 16, 2016


Samankii, gaar ahaan waqtigi khilaafadi Cabaasiyiinta. Maalin Maalamha ka mid ah ayaa khalifkii khalifada ee la oran jiiray Haaruun Al-Rashiid soo maray Bahluul oo dul fadhiya Qabuur qabuuraha ka mid ah, markaasa Haaruun ayaa si caro leh u yiri: Waryaa Bahluul ninyohow waalan gormaad caqliyeysan?
Bahaluul Intu kacay buu orod ku fuulay geed aad u dheer oo cod dheer ku qayliyey isagoo leh: Waryahee Haaruun, ninyohow waalan, gormad caqliyeysa?
Khalifkii Amiir Haaruun intuu ku soo dhaqaaqay dhankiisa ayuu asaga oo saaran faraskiisa hoos yimid geedkuu saarnaa Bahluul oo ku yiri:
Ma Ana waalan mise adiga Qubuurta kor fadhiya!
Bahaluul wuxuu yiri: maya ana caaqil ah
Haaruun ayaa yiri: Adaa waalan
Bahaluul baa yiri: Adiga Qasrigaas halkaa ka muuqda ayaad camiratay, waxaase kharaabisay oo aad iloowday kaa ( ku fiiqay farta Qabriga) anigana kan ayaan ka fakaraya! oo hadalkiisi sii raaciyey: Labadeena Yaa fiyoow?
Haaruun Al-Rashiid oo hadalkii Bahluul ka gariiray waa u ooyey ilaa garkiisa ay ilintu qoysay. oo yiri: Bahluulow i waani, oo wax ii siyaadi
Bahluul ayaa yiri; waxaa kugu filan kitaabka Alle ee isaga laasim
Haaruun ayaa ku jawaabay: Wax iga dalbo.
Bahluul ayaa yiri: sadex shey hadaad ii sameysid waan kaaga mahad celin, sadexdaas oo ah: tan kowaad Cimriga ii siyaadi ama ii dheere, tan labaad Malakul-mowt iga celi, tan sadexaad cadaabta iga badbaadi oo janada i gali.
Haaruun Al-rashiid wuxuu ku jawaabay sadexdii su'aaloodba ma awoodo.
Bahaluul Ayaa yiri: Hadaba adigu boqor ma tihid ee adaa boqor laguu yahaye ee iska key daa