
Ogow walaalkayow inay Qiyaamadu dhici doonto, xisaabtan iyo abaal marinna ay jiri doonto, markaa la innooga baahan yahay inaynu u diyaar garawnno wax-qabadkii iyo wanaaggii aynu kaga badbaadi- lahayn murugada iyo dhibaatooyinka jiri-doona maalinta Qiyaame.
Ogowna in Qiyaamadii ay dhawdahay marka loo eego waayadii hore , sidaa darteedna ay lama huraan tahay inaynu digtoonaanno si aynu u badbaadno, Cabdullaahi Binu Cumar waxaa laga wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yiri: Ka danbayntiinna aad ka dambaysaan umadihii idinka horreeyay waa inta u dhaxaysa Salaadda Casar ilaa gabaldhaca. Hana u arki inay fog tahay way dhawdahaye ee sii tabaabushayso. sidaa waxaa wariyey Bukhaari
Eebbe korree oo nasahnaaye wuu qariyay waqtiga ay dhaci doonto, keligii uun baana og cid kaloo ogi ma jirto, Malag dhaw ha ahaado ama Nabi la soo dirayba ha ahaadee. Hase yeeshee Eebbe korree oo nasahnaaye wuxuu inna ogaysiiyay calaamadaheeda, taasoo uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye innoo sheegay , isagoo umaddiisa uga digaya, calaamadahaas oo la soo bilawday waagii Asxaabta Ilaahay raalli ha ka ahaadee, kuwaasoo intaana soo kordhayay, waxaana calaamadahaas ka mid ah kuwo la arkay iyo kuwo weli socda iskana soo daba dhacaya , iyo kuwo aan weli la arag oo markay dhici-doonto Qiyaamadu iman doona, waxaanay ahaan doonaan arrimo aanay dadku caadiyan arki jirin.
ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO
Cabdulaahi
Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yiri in Nabi Muxammad markii uu dhameystey
xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii 10aad ee Hijriyada uu
hor istaagey iridda laga galo kacbada barakeysan, isago gacanta ku haya
qufulka iridaasi, isla markaana ku dhahaya asxaabta ( MA IDIN SHEEGAA
ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO?
Salmaan
Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow
nabiga CSW, ayaa yiri ' Haa Yaa Rasuulu Allah CSW inoo sheeg'Rasuulka
ayaa markaa yiri ' Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo
dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah
(1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan (2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda. (3)
Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u
xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah. (4) waxay iibsan doonaan
diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo (5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo
qalbiga muminka ah waxay noqon-doonaan kuwo murugo darteed u milma,
sida sodada milixda ama cusbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu'minku waxaa uu
arki doonaa waxyaabo la xaaraan-timeeyey oo lagu dhaqmayo, mana awoodo
inuu wax ka bedelo.
Salmaan ayaa markaa yiri: waxaasi ma dhici doonaan,
Yaa Rasuulu Allah. Rasuulka CSW ayaa yiri: haa
waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo
raaciyey
(6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah. (7)
Wasiiraduna waxay noqon-doonaa kuwo caasiyaal ah. (8) Kuwa xilalka loo
dhiibana amaanada, waxay noqon doonaan kuwo wax
khiyaameeya. (9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa
wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan. (10) Kuwa wax khiyaana
waxaa loo arki-doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki
doonaa iney waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la amaani-
doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay
(11)Waqtigaas waxaa kale oo jiri-doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.
(12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa
ilbaxnimo (13) Zakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka
lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon
doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.(14) Ruuxa waxaa uu
kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula
dhaqmayaa saaxibadiisa (15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo
gadaal ka jiidan (comets)Salmaan ayaa markaa yiri: waxaasi ma dhici
doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW? Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku
dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey'
Salmaanow (16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi
doonaan ragooda (17) Roobka di' doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl
wata. (18) Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan,
maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo
kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatdaa sida aadka isugu dhow uu mid
kasta oran doonaa, anigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu
wax faaido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof ilaah u
cabanaya Subxaanahu watacaalaa.(19) Waxaa
dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya,
waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga
qaadi hantidooda, wax xishamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la
daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid
ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana
la argagax geliyey. (20) Shaki la'aan Salmaanow, waxaa jiri doona
waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka,
waxaana halkaa ku ba'ay kuwa iimaankooda uu daciifka yahaya ee
ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan
oo aan is cafin. Jirkooda waa jir baniaadam, laakiin quluubtooda waxaya
noqon quluub sheydaan.Salmaanow (21) Waqtigaasi ragga waxay haeysan
doonaan rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween
kale. (22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida
haweenka oo kale. (23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween,
haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.(24) Waxayn taasi horseedi doontaa
inuu Ilaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan. Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab iwm. si la mid ah sida loo
xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda. (26)
Qur'aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya
iwm. (27) Minaaradaha masaajidd awaxay noqon kuwo aad u dheer, safafka
dadka salaada ku jira waxaya noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi
quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is
khilaafsan.Waqtigaasi raggu waxay isticmaali
doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxaya kaloo xiran
doonaan xariirta, isla markaan awaxa akel oo ay isticmaali doonaan
hragga shabeelka.Waqtigaasi waxaa jiri doonta
ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya
laaluusha.(30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa
loo qaadi doonaa, (31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo
haweenka. (32) Xuduudaha Rabbina waxay noqon doonaan kuwo aan la
dhowrin. Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu
Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha (34) Waxaa soo bixi doona haween heesa
iyo aalado music ah. (35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa
ummadeyda. Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka
tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama
socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah,
masaakiintuna waxaty u tegi doonaan is tustus. (37) Waxaa soo bixi
doona dad baran doona quraanka kariimka , balse ujeedkooda ma ahan Allah
dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalada music ah.(38)
Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona, oo iyaguna aan Allah
dartii sidaa u sameyneyn. (39) Waxaa badan doona tirada carruurta aan
sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro,
adduunyo ceyrsasho awgeed.Salmaanow! (40) Waxaani oo
idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la
geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan
kuwa wanaagsan. (41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay
iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada yaa iyana baahi
doonta. (42) Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.(43) Waxaa
di'i doona roobab aan watigooda la gaarin.(44) Dadk waxay waqtigaasi
cayaari doonaan khamaar iyo musik. (45) Ma jecleysan doonaan dadku inay
wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan. Qofka
Mu'mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa arka la
barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha