Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 11 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Qisadi Abu-Daxdaax Iyo Beertiisi Janada
Saturday - July 23, 2016
Magaca Ilaahay baan ku bilaabaynaa inagoo cuskanayna Magacyadiisa iyo sifooyinkiisa wanaagsan, waxaan kale oon ku sallinaynaa Nabiga ugu danbeeyey Nabiyada waa Nabi Muxamed Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato.
Sida uu warinayo Saxaabiga Anas ibnu Maalik, waxa jiray wiil yar oo agoon ahaa kana mid ahaa Ansaartii Magaalada Madiina, wiilkan yar waxa uu lahaa Beer barbarka ku haysa beer kale oo uu lahaa Nin Ansaariya.
Wiilkan waxa uu doonay inuu dhiso gidaar kala xira labada beerood, kolkuu wiilkii dhisay gidaarkii ayaa waxa kasoo hor baxday geed Timir ahaa oo ku yaalay soohdinta u dhaxasa beertiisa iyo beerta Ninka kale ee ansaariga ahaa. Wiilkii waxa uu u tagay Ninkii beerta lahaa oo ku yiri; Waxaan damcay inaan gidaar dhisto u dhaxeeya labada beerood balse waxa si kadis iiga soo hor baxay geed ku yaala soohdinta beertaada ee ama geedkan ii hibee aan ku darsado beertayda ama aan gooyo ama iga gad aan kaa iibsado? Ninkii wuxuu dhahay: May, kaa iibin maayo, kumana siinayo, geedkana goyn maysid. SubxaanaAllah.
Dabadeed labadii Nin oo is haysta ayaa u yimid Rasuulkii ilaahay markaasuu wiilkii agoonka ahaa uga waramay arrintii. Nabiguna (N.N.K.H) waxa uu ku yiri ninkii; Geedka sii wiilka, hadaad siisana waxaad leedhay geed Jannada ku yaal. balse Ninkii waa diiday inuu bixiyo geedkii oo ku adkaysta inaan la jarin. Goobtaasna waxa joogay saxaabo badan oo ay ka midyihiin Abubakar, Cumar iyo AbuDax-daax.
Abu-daxdaax markuu arkay bandhigan wayn ee cidii geedkaa bixisaa Jannada geed Timireed ku yeelanayso ayuu ku dhahay Rasuulkii ilaahay: Rasuulkii ilaahayow hadaan iibsado geedkan oon siiyo wiilkan ma ku yeelanayaa Jannada geed Timireed? Nabiguna waxa uu dhahay; Haa.
Abudaxdaax ilaahay raali haka ahaade wuxuu u yeeray ninkii bakhaylka ahaa kuna dhahay; Hebelow, Ma garanaysaa Beertayda oo leh ceel biyood oo ay ka baxeen 600 oo geed Timireed markaasuu yiri ninkii bakhaylka ahaa; Haa, si fiican baan u garanayaa, markaasuu yiri Abu-daxdaax: Beertayda siday u dhantahay qaado, laakiin wiilkan u hibee geeda soohdintaada ku taal ha dhamaystiro gidaarkiisee.
Ninkii bakhaylka ahaa wuu yaabay kolkaasuu yiri; Markhati ma ka tihiin? Dadkii maqlayey ayaa dhahay; Haa, marag baan ka nahay. Ninkii bakhaylka ahaa intuu eegay wiilkii agoonka ahaa ayuu yiri; Iminkaan kuu hibeeyey geedkii ee dhamaystiro gidaarkaagii.
Abudaxdaax intuu fiiriyey Rasuulkii Eebe ayuu ku dhahay; Ilaahay Rasuulkiisow, iminka saw geed Timireed iima ahaanin Jannada dhexdeeda, waxaanu yiri Nabigu; Fara-badanaa inta geed Timireed waaweyn oo balaaran Abu-daxdaax ugu sugnaatay Jannada. Weedhaas ayuu Nabigu ku celceliyey.
Kadibna waxa uu u tagay haweenaydiisii iyo caruurtiisii oo ku cayaaraysa beertii ay beerayeen mudo sanado badan ah, markaasuu u dhawaaqay xaaskiisii oo dhahay; Umu Dax-daaxeey ka soo bax adiga iyo caruurtuba beerta waan gadaye! Gabadhii way yaabtay oo ku calaacashay; Ma waxaad iibisay beertii aan mudada dheer soo beereynay? Abu-daxdaax waxa uu dhahay; Umu Dax-daaxey beer Jannada ku taal ayaan ku badalanay ee kasoo baxa beertii.
Gabadhii way faraxday oo dhahday; Waad ku guulaysatay iibkaas, wayna kasoo baxeen beertoodii ayagoo u hibeeyey Allah iyo Rasuulkiisa.
Dabcan Abu-daxdaax, xaaskiisii iyo ubadkiisii way kasoo baxeen beertoodii ay ku tabceen mudo aad u dheer, laakiin waxay ku guulaysteen Jannada Rabbi oo ballaceedu la mid yahay Todobada Samooyin iyo todobad dhulba.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story