Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 11 March 2025

Maamaahyo Murti Ah Oo Gebigoodba Sadexley Ah

Sunday - July 31, 2016



1- Sadex Sadex loogama Maarmo
- Oday Arin Loogama Maarmo
- Aqlna Afaaf Loogama Maarmo
- Ubad Deeq Loogama Maarmo

2- Sadex Waa Laga Duceysta
- Talo aan Tawfiiq Lahayn
- Taws (gocasho) Aan ka bogsi lahayn
- Tigaad- baad Aan Biyo Lahayn

3-Sadex Waa Lagu Tarmaa
- Hoo waalid
- Hayn Cibaado
- Hagar La'aan Tol

4- Sadex Waa Xarago Aduunyo
- Hanti Badani
- Bulsho-qabilo Dun Wanaagsan
- Hadal Karnimo

5- Inkaarta Dadka Waa Sadex
- Af-ku leeble
- il-ku Leeble
- Uur Ku Leeble

6- Sadex Kaama Harto
- Nabsi Kaama Haro
 -Nasiib Kaama Haro
- Nasab kaama Haro

7- Sadex Baa Aabaha Laga Dhaxla
- Magaciisa
- Maalkiisa
- Murtidiisa

8- Taladu Waa Sadex
- Mar aad gaari-weydid
- Mar aad garan-weydid
- Mar ay kula gudboon-tahay

9- Sadex waa Lagu Xamdiya
- Caafimad Qab
- Cimri Dheeri oo Cibaaddo Suuban Leh
- Cood-kasab xalaala

10-  Nin Sadex Buu Nin U Yahay
- Nin Naagtiisu Nin U Yahay
- Nina Maalkiisu Nin U Yahay
- Nina Afkiisu Nin U Yahay

11- Sadex Waligaa Ha Isku Deyin
- Labaatan Jir La Orodkii
-  Afartan Jir Lagdankii
- Lixdan Jir La Gartankii

12- Sadex Rajo Ma Leh
- Caalim xishood lagu waaniyey
- Ciroole Cibaado Lagu Waaniyey
- Cadrad Xishood Lagu Waaniyey