Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 10 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Imaam Bukhaari Oo Ahaa Qoraxdi Aqoonta Cilmigga Xadiiska .. Dhimashadiisi Waxaa Dumay Oo Shiiqay ileyskii Aqoonta Ee U Ifaayey Shucuubti Islaamka
Tuesday - August 9, 2016
Dadka inta cilmiga Axaadiista wax ka taqaan, Imaamul Bukhari waxay u aqoonsan yihiin inuu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu muhiisan taariikhda umadda Islaaamka. Bukhaari wuxuu ku soo biiriyey dhaxal-tooyada umadda Islaamka kitaab kiisa loo yaqaan Saxiix-ul-Bukhaari, laakiin isagu uu u bixiyey Saxiixul Jaamic oo ah midka ugu saxiixsan kutubta qoran .. Bukhaari wuxuu halyey u yahay inta sunada csw
Magaciisu waa: Abu-Cabdullahi, Maxamed Ibnu Ismaaciil ibnu Ibraahiim, ibnu muqiirah, ibnu Burdazbah Al-Jacfi Al-Bukhaari wuxuu ku dhashay magaalada Bukhaara, oo loo yaqaan Uzbekistan, sanadku markuu ahaa 194H 13-ka bisha Shawwaal habeen jimceed, waxuu ahaa asalkiisu iiraan- Faarisi laakiin ku magacaabida (Aljacfi) Aabihiis baa wuxuu ku Islaamay Gacanta Al-yamaani Aljacfi uuna u ahaan jiray Mowle sidaas baa loogu magac daray Al-jacfi.
Bukhaari Aabihi wuxuu geeriyooday isagoon garaadsan oo dhabtii hooyadii ku jira. Wuxuuse uga tagey hanti fara badan. oo xalaal ah wuxuu oran jiray Aabihiis Maalkayga oo dhan ma garanyo hal Dirham oo xaaraana oo ku jira, Korintiisa iyo bar baarintiisa waxaa la wareegtay hooyadiis.
Imaam Bukhaari Markuu lix-iyo-toban jirsadey, wuxuu dusha ka qeybey kutubtay qoreen Ibnu Mubaarak iyo Wakiic, Imaam Bukhaari Sareynta xifdigiisa iyo sugnaanta fahamka uu u leeyahay Axaadiista Nabiga (scw) waxaa la yaabay culumadii Xiligiisa nooleydey.
Imaam Bukhaari Sideed-iyo-tobon markuu jiray wuxuu la xajiyey hooyadii iyo walaal kii Axmed, Xajka ka dib, Bukhaari wuxuu cilmi dalab ugu haray Xaramka, ka dibna wuxuu qoray kitaab uu ugu magac daray “Qadaayaa as-Saxaabah wa-Taabiciyyiin”. Wax yar ka dib wuxuu aadey magaaladii Nabiga (scw) Madiina Anabawiyah , intuu joogeyna wuxuu qoray kittaabkiisii caanka ahaa ee “At-Taariikh al-Kabiir.”
Imaamku wuxuu meel fog iyo meel dhaw u aaday barashada axaadiista Nabiga (scw). Raadinta iyo la kulanka culumadii Axaadiista ku xeel-dheerayd xilligiisii, waxay ka fogeysey dalkiisii hooyyo. Asagoo taa xusayana wuxuu yiri, Cilmi dalabka waxaan u aaday Masar iyo Suuriya laba goor, Basrana afar goor, lix sanaana Xijjaaz u joogey, inta goor oon Kuufa iyo Baqdaadna muxadisiin u raacayna maba la koobi karo.
Bukhaari wuxuu xifdiyey oo dusha ka qeybey 300.000- kun oo Xadiis(Sadex-boqol-oo kun oo xadiis) 100.000-kun (Boqol-kun) oo ka mida ay saxiix wada tahay, iyo 200.000 (laba boqol oo kun) oo aan saxiix ahayn.
Imaam Bukhaari Markuu magaalada soo galay, waxaa loo qabtey xaflad balaaran oo lagu soo dhawey nayey ooy ka soo qeybgalleen culumaddii Axaadiista ee reer Baqdaad, sidii qorshuhu ahaanna waxaa Bukhaari loo soo bandhigay boqol xadiis oo kas loo marooriyey ula kacna leys ku daba mariyey, Sidii lagu yaqaaney Imaamka, Intuu miyir u dhegeystey buu mid-mid u dhiraan-dhiriyey Asnaadoodii saxda aheyd maroorkii ku jireyna ka saaray (marlabaad buu ugu celiyey boqol kiiba isagoo sidii saxda ahayd ee Nabiga (scw) looga wariyey u qaadaa dhigaya ilaahow ku xifdi sidaad u xifdisay warka Nabiga (scw).
Bukhaari wuxuu u adeegsaday inuu ku uruuriyo inta ugu saxan uguna hubsan Axaadiista nabiga (scw) kuna qoro hal kitaab. Bukhaari wuxuu yiri “Xadiis kasta oon ku qoray Kitaab-keyga labo rakco baan u tukadey, Allaah baan kala tashaday (Istikhaara), sixadiisana waan hubsaday.” Waxey ku qaadatay 16-sano (lix-iyo-toban-sano) inuu ku dhameeyo qorista kitaabka Caanka ah ee uu garanayo Qofkasta oo Muslima oo wuxuun diina garanaya amase maqlay Nabigaa (scw) sidaa yiri A-Saxiix-ul-Bukhaari. “ Waa Xujjo aniga iyo Allaah noo dhexa” buu Imaamku yiri. Markuu dhammeys tirayna wuxuu u bandhigay Axmed Inbu Xanbal, Yaxyaa Ibnu Maciin, Cali Inbu Madiini, iyo Rag kale kuligoodna waxay u qireen kitaabkiisa sixid iyo sugnaan. Arrintaasi waxey noqotey ficil aad loo mahadiyey.
Bukhaari wuxuu ahaa nin caato ah cuna yar oo meel dhexaad ah aan dheereyn gaabneyna, wuxuu ahaa nin timo jilicsan, waxaa lagu yaqaaney deeq, zaahidnimo iyo Alle ka cabsi. xaq dadka iska ilaaliya, haaladiisa waxaa ka mid ahaa " waxaa rajeynaya inaan allah la kulmo" Wuxuu ahaa nin Adduunku uusan agtiisa wax ka aheyn. Imaamku, Sidii culumaddii la xilli ahaa lagu yaqaaney-ba, Allaah nin ka baqa buu ahaa. Nin cibaado badan buu ahaa. Waxaa la wariyey inuu maalin walba oo bisha Ramadaan ka mid ah uu Qur’aan-ka dhamayn jiray.
Markuu muddo ka maqnaa Bukhaara ayuu bukhaari go’aansaday inuu ku laabto dad kiisii iyo magaaladiisii. Markey maqleen reer Bukhaara safarka bukhaari ee xagooda ah, farax iyo ray-reyn baa ka buuxsamay. Waxay diyaariyeen qaabilaad aan hore loo arag, xatataa magaalada duleedkeeda bey Teendhooyin ka dhiseen. Markuu Bukhaari magaalada yimid, wuxuu durbadiiba guda galay baarista Axaadiista Nabiga (scw) . Hase yeeshee waxaa damcay inuu handado,qash-qashaadna ka deyn waayey ninkii Bukhaara xilligaa waalli-ga (amiirka) ka haa ee la oran jiray Khaalid Binu Axmed Ad-duhaley ugana ahaa Khuraasaan dowladii Cabbaasiyyiinta.
Wuxuu Imaamka ku yiri amiirkaas sida lagu yaqaan raga madaxda ah inay amar taag-leeyaan, gurigeyga caruurta wax iigu bar, Bukhaari wuxuu si geesinimo leh ugu jawaabey, “Ma rabo inaan ku xadgudbo sharafta cilmiga oo la meeraysto iridaha guryaha madaxda, ee haddii cidi rabto iney aqoon kororsato ha timaado dugsigeyga.” Waalli-gii Bukhaara baa hadalka sheekha ku celiyey oo yiri “ Haddii wiilkeygu dugsigaaga yimaado, ha la fariisin ardada kale ee gooni wax ugu dhig.” Bukhaari baa yiri, “Qofna kama mancin karo xadiis dhegeysigi.” Oo macnaheedu yahay wiilkaaga gooni wax ugu dhigi mayo Imaamku Gacanta ayuu ku dhuftay dalabaadkii ka imaanayey Madaxtooyda taas oo ay ku guul daraysteen Culimo Badan oo joogta xili kasta, kuwaas oo ku mutaystay magaca meel walba looga yaqaan ee Culumaa’u Dowlah (culimada dowlada).
Khaalid Ibnu Axmed, Waalli-gii Bukhara, wuxuu Imaamul Bukhaari ka eryey magaaladii uu ku dhashay ee uu ugu soo noqday inuu dadkeeda u faa’ideeyo waxuuna aaday magaalo kale oo ka tirsan Samarqandi oo dad qaraabadiis ah ay daganaayeen, laakiin dulmigaas kama faa iidin Amiirkii Khaalid ee Bukhaari wuu habaaray ilaahayna waa ka aqbalay oo Ninkii kasareeyey ee haystay Khuraasaan ayaa amray in xoolahana laga qaado xabsigana loo taxaabo Amiirkii isagoo Dameer saraan baa Jeelka ladhigay halkaas buuna ku dhintay Aakhirtaankii. (ilaahay waa caadil ee dulmi iska ilaali walibana midka culimada).
Waxaa kaloo Geesinimada kamida inuu ku haray Maka mudo badana uu u wareegayey dhulal badan inuu Cilmiga xadiiska kasoo horka laabto ilaahay-na waa ku guuleeyey oo waxuu kasiiyey Qayb wayn.
Imaam ku waa ka xumaaday Tarxiilkaa lagu sameeyey wuxuuna go,aansday inuu xagaa iyo Samarqandi, aado markuuse muddo usoo jiro ayuu maqlay in dadku asaga isku khilaafeen, aaraa kala duwanna ka qabaan. Ka dib Imaam Bukhaari wuxuu goostay inuusan magaalada gelin ee uu tuulo u dhow dego. Waxaa la wariyey inuu markuu tuulada degey Allaah baryey oo uu yiri “ Allow dhulkii Ballaarnaa wa ila yaraaday ee I oofso” ka dibna wuu xanuunsaday.
Imaamku Asagoo xannuunsan ayaa ergo ka socota Samarqandi codsaneysana inuu magaalada soo galo u timid. Markuu ajiibeyna xanuunkii baa ku sii kordhay. Imaamku wuxuu geeriyooday habbeenkii Ciidu-al-Fidri-ga ee bisha Shawwal kawda aheyd, 256H.
Cumrigiisu wuxuu ahaa Imaamka 62 sano oo laba-iyo-toban habeen dhimman markii la oof-saday Imaam Bukhaari. Waxaa hubaal ah in sanadkaas qoraxdii aqoonta cilmiga xadiiska dhacday. Waxaa damay oo shiiqay ilayskii aqoonta ee u ifayey shucuubtii islaamka ee degeneyed dunida .. Imaam Bukhaari, Allaha u naxariistee, si weyn baa loo tabey, Ragii xiligaa joogey ee gabayaaga ahaa waxay mariyyeen gabayo boroordiiq ah ooy ku cabbireen siday Imaam-ka u tabeen.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story