Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 10 March 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Wax Un Ka Baro Dhalashadi Iyo Geeriddi Imaam Al-Shaafici .. Waa Imaamkii Lagu Nabay Wax Aan Jirin Oo Isagoo Gacmaha Ka Xiran La Horgeeyey Haaruun Rashiid
Friday - August 19, 2016
Imaam Shaafici
: Magaciisa iyo Nasabkiisa:Waxa weeye Maxamed (Abuu Cabdullaahi) bin Idriis binil-Cabbaas bin Cusmaan bin Shaafic bini-Saa'ib bin Cubayd bin Cabdi-Yaziid bin Haashim binil-Muddalib bin Cabdi-Manaaf. Al-Muddalib
Imaam Shaafici Awoowe labaadkiis, waxaa la oran jiray Shaafic binu-Saa'ib, waana halka u ka keenay Magaca Shaafici, waxuuna ahaa Saxaabi nolol ku gaaray Rasuulka RCW.
Awoowahaa labaad inkasto u yaraa oo uu markaas uun soo hana-qaadayey.Saa'ib bin Cubayd (Shaafic aabbihiis) wuxuu markii hore ahaa gaal, waxana uu maalintii Badar calanka u siday reer banii Haashim binil-Mudhalib .. Maxbuus ahaan buu ugu dhacay gacanta Nabiga SCW, oo dabeetana intuu isfurtay (Madax-furasho naftiisa ka bixiyey) buu islaamay. Kolkii la weeydiiyey: (Oo maxaad u islaami weyday intaadan xoolaha madax-furashadaa iska bixin), waxa uu ku jawaabay: (Ma dooneyn inaan Mu'miniinta ka xasdo xoolo ay iga doonayeen).
Waxaa la sheegaa in Saa'ib uu suurad ahaan u ekaa Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam).
Imaam Shaafici afar awoowayaalkiis waxaa lagu tiriyaa inay Saxaabadii Nabiga SCW ka mid ahaayeen waxanay kala ahaayeen; Cabdi Yaziid, Cubayd, Al-Saa'ib iyo Shaafic bini-Saa'ib.
Dhalashadiisii:
Shaafici waxa uu dhashay maalin Jimco ah gobolka Gaza- falastiin, oo ku beegnayd maalintii ugu dambeysay bishii Rajab sanadkii boqol iyo kontonaad ee Hijriga, waana isla sanadkii uu geeriyooday Imaam Abuu-Xaniifa ibnu Nucmaan oo ahaa shiikhii fuqahada reer Ciraaq. waxaase looga si gudbiyey Makka oo uu ku barbaaray.
Marxaladdii Koowaad ee waxbarashadiisa
: Imaam Shaafici waxa uu ku koray kuna garaadsaday dhulkii awoowayaashiis Maka, halkaasi oo waxyigu ku soo degay, Islaamkuna ku billowday, culimada muslimiintana cisi gaar ah ku lahayd, loona soo cilmi iyo cibaado doonan jiray.
Imaam Shaafici Hooyadiis
, waxay doontay inay u geeyso macallin bara qoraalka iyo akhriska, sidii caadada ahaan jirtay, ha-yeeshee ma aanay haysan wax ay macallinkaas siiso mood iyo nool midna, waxase uu macallinkii raalli ka noqday in kolkuu dersigu dhamaado uu dugsiga iska soo galo, waa intaasuu ardada wax ka faa'iideysto eh.
Marxaladdii Labaad ee Waxbarashadiisa
: Markaas kadib Masjidka ayuu galay si uu cilmiga uga uruursado afafka culimada kala duwan. Waxa uu muujiyey dadaal iyo dardar iyo dihni furnaan (fahmad badni), inkastooy noloshu ciriiri ku ahayd oo aanu mararka qaar heli jirin wax uu warqadda uu wax ku dhiganayo ku iibsado, waxanay dantu ku kallifi jirtay inuu lafaha la daadiyey uruursado, dadka safarrada ahna awrta u dabro si uu Daraahim uga helo. Duruufaha haystay kolkuu arkay buu nin ay qaraabo ahaayeen kula taliyey inuu shaqaysto oo wax barashada dib u dhigto.
Kolkuu toban jirsaday
, Shaafici waxa uu dusha ka qaybay kitaabka lagu magacaabo Al-Muwara' ee uu Imaam Maalik qoray, intaanu isagiiba arag. Isla marxaladdaasi carruurnimo ayuuna go'aansaday inuu Gabayada, Adabka, Balaaqada iyo Murtida Carabta iyo luqada Fusxada ah si fiican u barto, maadaama xilligaasi qofkaan intaas aqoon loo haystay in uu yahay qof aan goobaha ka doodi karin .. Baadiyaha ayuu u aaday arrintaas, todobo iyo toban sano ayuuna reero aanu garanayn la guurayey oo la degayey ilaa uu noqday ninka ugu murtida iyo maansada badan, kedibna waxa uu ku soo laabtay magaaladii Makka, halkiina ka sii watay Fiqhigii iyo barashadii diinta.
Kolkii uu idlaystay wixii cilmi Makka yaallay, loona oggolaaday inuu iftoodo, welibana uu billaabay inuu duruus ka bixiyo Xaramka, waxa la gaaray waqtigii uu socdaal kale u geli lahaa xaggaa iyo Madiina oo uu shiikh ka ahaa Abuu-Cabdullaahi Maalik ibnu Aanas.
Socdaalkiisii Madiina:
waxay ahayd magaalada ugu dhow dhaqanka Islaamka xag kastaba.
Rasuulku SCW, waxa uu Madiina kaga tegay in ka badan laba iyo toban kun oo saxaabi. Laba kun ayuun baana ka baxday oo dunida gashay, halka tobankii kun ay degeen ilaa ay kaga dhinteen.
Haddaba culimada Madiina waxay u arkayeen in haddii Xadiisku Xijaaz (Makka, Madiina, Jeddah iyo Dhaa’if) ka baxo uu noqon karo mid been ah amaba wax lagu daray, waqtigaasina lama aqoosan jirin aqoonta ninkaan Madiina wax ka baran, oo weliba iyada Imaam ka noqon.
Socdaalkiisii Yaman:
Shaafici markuu Yaman tegey hore loogama dhiibin Mansib weyn, balse waxa uu shaqaale ka noqday Maxkamaddii markaas jirtay, ha yeeshee waxa uu muddo gaaban kasbaday kalsoonidii dadka, isaga oo ku caan baxay caddaalad, aqoon iyo shaqo jacayl. Caan kama noqon oo qura Shaafici Yaman, balse warkiisu waxa uu gaaray ilaa Makka, ayadoo dadka reer Yaman ee Makka soo aada bisha Rajab ay asaga iyo ammaantiisa afka uun ku hayeen. Intaas kedib waxa Qaaddi looga dhigay Najraan.
Najraan
waxa degganaa qolada la yiraahdo banuu Xaarith oo caan ku ahaa inay Waaligii loo diro laaluushaan, has-yeeshee taa kama aanay helin Shaafici, caddaalad buuse wax ugu qaybiyey, dabeetana waxaba loo dhiibay Maxkamaddii Yaman oo dhan.
Reer Najraan iyo laaluush la cararkooda buuba khaati ka joogaye, Yaman haddii loo dhiibay oo ayadu markaas ahayd halka Najraanta lafteeda laga xukumo, waxa ku sii kordhay culayskii, cadaadiskii iyo dadkii dibindaabyada la doonayey. Kolkay si kale wax uga qaadi waayeen waxay gaartay heer ay mu'aamaro u maleegaan oo Amiirul-Mu'miniinka (Haaruun Al-Rashiid) ku dacweeyaan.
Ciraaq baa looga yeeray iyo inuu Haruun Al-Rashiid hor istaago isagoo gacmaha ka xiran, tuhmadiisuna tahay inuusan citiraafsanayn dowladdii markaa jirtay. Mu'aamaradaas loo maleegay wuxuu kaga badbaaday amar ilaah iyo aftahan-nimadiisa iyo aqoontiisa.
Jirradii Shaafici iyo Geeridiisii
:Shaafici Alle ha u naxariistee waxa lagu ibtileeyey cudurka Baabasiirka, cudurkaas daraaddiisna dhiig baa si joogto ah uga socon jiray. Waxa xitaa mararka qaar dhici jirtay in intuu faras fuulo dhiiggu gondihiisa ka hooro. Cid u jirratay sida Shaafici u jirraday way yareyd, waxana daaliyay oo awooddii ka qaaday dhiiggaasi har iyo habeen ka socday. Waxase la yaab leh amaba aynu dhihi karnaa mucjiso in afar sanadood oo uu cudurkaasi hayey aanu maalinna dadaalkiisii ku saabsanaa diin fidinta, cilmi baarista, kutubbo allifidda, iwm., kala joojin sidii ayadoo daawadiisuba ay dadaalkaasi ku jirto.
Shaafici si ba'an buu u jirraday, cudurkuna si xun u dilooday. Malakul-Mowt baa albaabkiisa istaagay asaga oo ajashiisa uun sugaya. Kolkii tiisii soo dhawaatay buu mid kamid ah ardadiisii usoo galay oo weydiiyey: (See tahay hadda?), markaasuu ugu jawaabay : (Waxaan ahay nin adduunyada ka safraya, asxaabtiisii sagootinaya, koobkii geerida ka cabaya, xagga Eebbena u arooraya. Wallaahi baan ku dhaartaye waxan kala garan la'ahay inay nafteydu Janna u socoto oon u hambalyeeyo iyo inay Naar geleyso oon u tacsiyeeyo), markaasuu ooyay.Asagoo xaalkiisu saa yahay baa waxa usoo galay nin la oran jiray Yuunis bin Cabdil-Aclaa, markaasuu Shaafici ku yiri: (Abaa Muusoow, igu akhri Suuradda Aali-Cimraan wixii ka dambeeya Aayadda 120, iguna boobsii oo ha igu daahin. Waan ku akhriyey buu yiri, kolkaan istaag is irina wuxuu igu yiri : (Ha iga tegin waan tabaaleysnahaye).
Imaam Shaafici waxa uu geeriyooday salaadda Cishaha dabadeed habeen Jimco soo geleyso oo ku beegnayd malintii ugu dambeysay bisha Rajab, waxana la duugay maalintii Jimcaha ee ay bisha Shacbaan (Soon-dheere) koowda ahayd sanadkii 204 Hijriyada, waxana uu markaas jiray afar iyo konton sano. Waxa lagu duugay qabuuraha banii Zahrah oo loo yaqaan Turbadii ibnu Cabdil-Xakam, qabrigiisana reer Masar way wada garanayaan, wayna weyneeyaan oo siyaartaan. Eebbe ha u naxariisto Imaam Shaafici, annagana cilmiguu nooga tegey ha inagu anfaco …….. Aaamiin.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story