David Cameroon Oo Ahaa Ninkii Magaca Lahaa Ee Aan La Soo Celin Jirin Wixii Afkiisa Ka Soo Baxa, La Kala Boobi Jiray Oo La Arkay Isago Diif Ka Muuqato Oo Goob Dariiq Ah Ku Gajoonaaya
Wednesday - August 31, 2016

Inkasto oo uu maalmo kooban ka hor uun ku sugnaa xafiiska ku yaala qasriga 10 Dowing Strreet oo ka mida ah goobaha aduunka looga taliyo, iyadoo marku u socdaalayo iyo marku shaqa ku jiraba ay boqolaal shaqaalle ka daba guuri-jireen oo waxuu yiraahdo la kala boobi jiray .. Daviid Cameroon, raiisal wasaarihii hore ee dalka ingiriiska oo warbaahinta ingiriisku daba gal ku sameeyey sawirna ka soo qaadeen isaga caga-cadaan la cagaagsan, sido kalena gaajeysan oo goob jid ah dad dabaqada hoose ah kula sugan degaan xeebedka Cornwall oo ku taala koonfur galbeedd dalka Britain.
Maalmo kooban ka hor waxaa uu ahaa jawharad qaali ah dadka aduunka ugu magac iyo awooda badan maantana waxaa uu goob kula sugan yahay dad aan xataa wajagiisa si fiican uba eegin oo aan garaneyn waxa u yahay, waxaa la arkay isaga oo gabar loo maleeyey xaaskiisa ag fadhiya, goob gidaar ahna ku cunaaya xabado bataato la shiilay ah iyo in yar oo kaluun ah isaga oo caga-cad oo diiif iyo gaajo ka muuqato.
Wargeyska Daily Mail cadadkiisi jiimcihi hore, David Cameroon ayaa sawiro laga soo qaaday isaga oo ku sugan tuulo xeeb ah oo lagu magacaabo Cornwell oo ku taal koonfur galbeed ee dalka ingiriiska.
wargeyska waxaa u leeyahay waxaa goobtaasi kula sugnaa dad u muuqda kuwa noloshoodu hooseyso iyada oo ay garab fadhido gabar muuqaalkeeda loo maleeyey xaaskiisi Samanth.
David Cameroon oo 49 jir ayaa bishii hore raiisal wasaaranimo isaga tagay markii uu ku guul dareystay in uu taageero shacabkiisa uga helo in ay ka sii mid ahadaan Midawga Yurub isaga oo wixii intaa ka dambeeyey ka guuray xafiiskiisi 10 Dowing Street oo ay ka huleeleen isaga iyo xaaskiisa