FBI-da Mareykanka Oo Shaacisay Warbixin Ku Saabsan Hillary Clinton
Saturday - September 3, 2016

Washinton- Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan FBI ayaa shaacisay qoraalo muddaba la sugayay oo la xiriira baaritaan lagu hayay Hillary Clinton.
Baaritaankan ayaa la xiriira in haweenaydani ay howlo shaqo u isticmaashay E-maileeda khaaska ah, xilligii ay haysay xilka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.
Madaxa FBI-da James Comey ayaa sheegay in aysan wax dambi ah galin Hillary Clinton balse ay muujisay taxaddar la’aan.
Intii muddo ahaydba waxaa Hillary Clinton loo haystay laguna eedaynay isticmaalaka E-mail-keeda gaarka oo ay u adeegsatay hawlo shaqo oo saxaasi ah.
Ninka ka soo horjeeda haweenaydan ee Donald Trump ayaa fursad ay u noqotay in uu ku cambaareeyo Hillary eedaha loo jeediyey.